Mareykanka oo Malaayiin Dollar Madaxooda Dul dhigay Labo Nin oo la rumeesan yahay in ay kusugan yihiin Gudaha Somalia.

Mareykanka oo Malaayiin Dollar Madaxooda Dul dhigay Labo Nin oo la rumeesan yahay in ay kusugan yihiin Gudaha Somalia.


Dowlada Mareykanka ayaa baadi goob daran ugu jirta labo Nin oo u dhashay Dalka Sudan kuwaa oo ku eedeesan Dilka Diplamaasi sare oo Dhanka Hormarinta u qaabilsanaa Dowlada Mareykanka iyo Darwalkiisa oo lagu Dilay Dalka Sudan.

Diblamaasigan Mareykanka ah ayaa la dilay Sanadii 2008-dii Xili isaga iyo Darawalkiisa ay kusii jeedeen Xaflad lagu soo dhaweenayay Sanadka Cusub 2008-dii oo xiligaasi curanayay ,waxaana Dilkooda ka dambeeyay ilaa 4 Nin oo Suudaaniyiin ah.

Baaritaano kadib ayaa Ciidamada Amaanka ee Dalka Sudan waxaa usuurtowday in ay soo qabtaan 4-tii Nin ee la tubunsanaa in ay Dilkaasi kadambeeyeen kuwaa oo lagu Xukumay xukun Dal dalaad ah balse Xabsiga ka baxsaday Sanadkii 2010-kii kahor inta uusan xukunka ku dhicin.

Sadax kamid ah Afartaasi Sudaaniyiinta ah ayaa la sheegay in ay usoo baxsadeen Gudaha Somalia halka kan kalana lagu Qabtay Gudaha Sudan Xabsigana Dib loogu Celiyay ,waxa sidoo kale Warbaahinta Mareykanka tabiyeen in mid kamid ah Sadaxdii ee Somalia tagay in Midkood gudaha Somalia lagu qaarijiyay.

Mareykanka oo hada Rumeesan in labadan Nin kusuganyihiin Gudaha Soomaaliya ayaa 10-Milyan waxa ay dul dhigeen Madaxooda cidii soo sheegtaa ama soo dishaa sida lagu Baahiyay Warbaahinta Dalka Mareykanka.

Gudaha Soomaaliya ayaa waxa ay gabaad u noqotay AJaaniibta Dalalkooda Dilalka ka geesta kana soo baxsada waxaana Mareykanka Dhoor Mar Dilal qorsheesan ugu geesteen rag ajnabi ah oo katirsanaa Al-Qaacida oo Danbiyo kala duwan loo heestay.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada