Axmed Madoobe oo ka hor yimid qorshaha maamulo loogu sameynayo gobolada laga saaray Al-Shabaab

Axmed Madoobe oo ka hor yimid qorshaha maamulo loogu sameynayo gobolada laga saaray Al-Shabaab

Hogaamiyaha Jabhada Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka soo horjeestay qorshaha maamul u sameynta deegaanada iyo gobolada laga saaray Al-Shabaab, kaasoo shalay ay ka doodeen Golaha Wasiirada, iyadoo maalinta khamiista cod loo qaadi doono sidii Wasaarada Arrimaha gudaha ula wareegi laheyd fulinta qorshahaas.

Axmed Madoobe oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa dhaliilay qorshaha Golaha wasiirada, isagoo xusay inuu jiray qorshe ay waday IGAD, kaasoo waqti dheer soo socday, isla markaana ahaa maamul u sameynta Jubooyinka.

"Waxaa jirtay arrin IGAD soo waday, oo dowladda ay ka mid aheyd, maamul u sameynta Jubooyinka la waday qorshihiisa, muddo dheer ayay soo socotay waqti lagu bixiyay, qarash badan waa ku baxay shirka gunaanudkiisa gabo gabo ayuu marayaa"ayuu yiri Axmed Madoobe oo iftiimiyay sida Xukuumada aanay ugu qanacsaneyn qorshaha IGAD wado.

Axmed Madoobe ayaa xusay in xalka Kismaayo loo baahan yahay in dadka deegaanka loo daayo, isla markaana lagala tashto, isagoo ugu baaqay dowladda inay timaado, ayna la fariisato IGAD si loo dhameystiro maamul u sameynta Jubooyinka, kadib markii uu soo dhamaaday.

"Kismaayo waxay u baahan tahay nin qabsaday iyo nin la magacaabay waxba kama qaban karo, xalka Kismaayo waa dadka isu yimaado, ayna tashtaan, maamul ay ku kalsoon yihiin la yimaadaan, dowladda waxaa leenahay shir la soo waday waa soo dhamaaday, ha timaado IGAD hala fariisato, dowladda iyadaa marka hore wadatay, wixii is bedel kalena waa macno kale"ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in arrimihii deegaanka iyo dhibaatadii jiray soo maray in aan dib loogu noqon 21-sano wixii laga soo tagay, isagoo tilmaamay in baaqii ay dadka u jeediyeen ay wax ka bedel, isla markaana ay haatan taalo gogol nabadeed, waxaana uu dhankiisa tibaaxay xalka ay diyaar u yihiin.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in gudiga farsamada maamul u sameynta Jubooyinka ay dhowaan dib ugu soo laaban doonaan Kismaayo, isla markaana ergooyinka shirweynaha maamul u sameynta ka qeyb galaya ay soo xaroonayaan maalmaha soo socda, si loo ambaqaado howlaha maamul u sameynta Jubooyinka.

"Ergooyinka iyo gudiga farsamada waa imaanayaan, Gedo ayay aadeen, Jubada Hoose ayay meelo ka mid tageen, Nairobi ayay soo maraan, Khamiista ama jimcaha inay soo galaan baan rajeyneynaa, kadibna la iclaamiyo waqtigii shirka, dowladda inay noo timaado, inay dadka gogosha u fidiso ayaan diyaar u nahay"ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Golaha Wasiirada oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ay go'aan ku gaareen in Maamulo loo sameeyo deegaanada iyo gobolada laga saaray Shabaab, waxaana qorshahan loo xilsaari doonaa Wasaarada Arrimaha gudaha, marka Golaha wasiirada isku raacaan khamiista soo socota.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada