Khatarta ay leedahay Guur La’aanta Akhriso

Khatarta ay leedahay Guur La’aanta Akhriso

Guurku wuxuu ka mid yahay nicmooyinka waaweyn ee Ilaahay adoomadiisa ku galladaystay, ka tagistiisuna waxay qofka iyo bulshadaba ku leedahay saamayn xun. Khataraha ugu waaweyn oo ka dhasha ka dheeraanshaha guurka waxaa ka mida:

1. Ka dheeraanshaha guurku wuxuu sababaa jirrooyin nafsi ah, sida: waali, islahadal, walwal iwm. Waxaa dhici karta in jirradaas isu badasho mid xubnaha ah oo daweynteedu adagtahay. Diraasad Maraykan ah oo cusub ayaa faa’iidaysay in guurku hagaajiyo caafimaadka maskaxda gaar ahaan dadka qaba murugta iyo isla-hadalka; sidaa darted waxaa lagama maarmaan ah inay guursadaan dadka qaba murugta, moral-jabka iyo dareenka kalinimo .
2. Dadka aan guursan waxaa ku dhaca moral-jab ka yimaada dibu-dhaca haleelay iyo horumarka asaaggood sameeyeen; waayo dadkii ay isku ayniga ahaayeen ayaa noqday mudanayaal iyo marwooyin leh reer iyo ubad bulshadana ku dhex leh qadarin iyo maamuus halka iyo ay weli ciyaal xaafad yihiin!.
3. Waxaa dhici karta dadka guurka dib u dhiga inay noqdaan ma dhalayaal ama ay gabdhaha iyaga oo waaweyn ay ku dhibtoodaan dhalmada ama uu ku bato dhiciska iyo dilanku ama carruurta ay dhalayso yaraato dibudhaca guurkeeda darti. Waxaa iyana dhacda in dadka guurka dib u dhiga ay haleesho cillad aanu helayn cid guursata laakiin haddii cillad hesho isaga oo reer leh uma badna inuu reer la’aan muto.
4. Ka dheeraanshaha guurku wuxuu dhaliyaa xilkasnimo la’aan iyo asaagga oo laga haro.

Waxaa kale oo dhacda inuu qofkii guurka dib u dhigay dhinto isaga oo aan ubad ka tagin, sidaasna uu ku waayo cid geerida ka dib usoo ducaysa iyo magac ka hara labadaba.
6. Ka dheeraanshaha guurku bulshada wuxuu u gaystaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin:

a) Tarankii dadka ee saldhiga u ahaa horumarka bulshada oo la dhimo. 
b) Sinada iyo xumaha oo bulshada ku dhexfaafa, ka dibna ay ka dhashaan jirrooyin khatar ah oo wax u dhima caafimaadka iyo dadnimada bulshada. 
c) Jariimooyinka iyo falal dambiyeedka oo ku bata bulshada dhexdeeda. 
d) Soo dagista ciqaabta Ilaahay ee aan barbar marin ciddii faaxishada si barer ah u muujisata.

W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada