Maxkamada ciidamada oo dil iyo xabsi ku xukuntay askar ku sugan magaalada Jowhar

Maxkamada ciidamada oo dil iyo xabsi ku xukuntay askar ku sugan magaalada Jowhar

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xarig ku riday illaa afar askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Col Liibaan Cali Yarow oo ku dhowaaqay xukunka ay maxkamadu gaartay ayaa sheegay in afar askari oo ay maxkamadu dhagaysatay dambiyadooda lagu helay dambiyadii lagu soo oogay. 

Maxkamada ayaa waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah C/fataax Xasan Maxmed kadib markii ay ku cadaatay in uu dilay Maxamed Daahir Cumar Axadii aynu ka soo gudubnay, Sidoo kale waxay maxkamadu ku xukuntay labaatan sano oo xarig ah Xuseen Tarmuus (Tuug-bidaar) oo aan ku sugnayn maxkamadda, halka ay maxkamadu ku xukuntay xabsi shan sano ah Aadan 
Cabdi Yabaroow iyo  Cabdullaahi Xasan Gacal.

Maxkamada ciidamada ayaa xukunkan ay maanta ku gaartay magaalada Jowhar waxa uu noqonayaa kii labaad ee ay maxkamadu ku rido askar ka mid ah ciidamada dowlada.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay dhowaan la wareegeen ciidamada dowlada iyadoo bilowgii bishii aynu ka soo gudubnay ay ciidamada dowlada oo gacan ka helaya ciidamada AMISOM ay la wareegeen maamulka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe. 

Qaadista dacwadan ayaa ku soo beegantay xilli xalay uu qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa uu ku qarxay banaanka masjid ku yaal magaalada Jowhar iyadoo qaraxaana uu ku dhintay oo kaliya ruuxii isku soo xirey waxyaalaha qarxa.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada