Boqortooyada Sucuudiga iyo Dimuquraadiyada (Daawo Film Laga Sameyay Oo Dhamestiran).

Boqortooyada Sucuudiga iyo Dimuquraadiyada (Daawo Film Laga Sameyay Oo Dhamestiran).

Waxaa markii ugu horeysay ay Boqortooyada Sucuudiga ay u ogolaatay warbaahinta Caalamka inay u furto iridaha Boqortooyadeeda, filimkan waxaa sameeyey Telefishinka BBC waxayna casumaad ka heleen mid kamid ah Amiirada maamula Boqortooyada Sucuudiga Prince Saud Bin Abdulmuxsin oo ah Guddoomiyaha gobalka Hayl ee bartamaha Sucuudiga, waana wiil uu adeer yahay Boqorka Sucuudiga.

Filimkan waxaa looga hadlaya hab maamulka Boqortooyada Sucuudiga, Noloshooda, maamulida Beelaha iyo Qabaa’ilka Sucuudiga, Dimuquraadiyada iyo waliba sharciyada dalkaasi Sucuudiga.

Amiir Saud Bin Abdulmuxsin ayaa ka waramaya Farqiga u dhaxeeya Dimuquraadiyada reer Galbeedka iyo Dimuquraadiyada Sucuudiga asagoo yiri “…Anagu dhaqan iyo Beelo baanu ku dhisanahay, Noqon meyno Reer Galbeed balse Dimuquraadiyad diyaar baan u nahay waana sameynay Isbedalo badan…”

Filimkan oo dhamaadkii sanadkii tagay lasoo bandhigay ayaa ka hadlaya isbedalada ka jira dalka Sucuudiga, xili ay kacdoono badan sanadadii 2011 iyo 2012 ay ka dhaceen wadamada Carabta.


Halkaan Ka Daawo Filmka Oo Dhamestiran
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada