Qiso jaceyl oo dhex martay lamaane (Qiso xiiso iyo xamaasad leh).

Qiso jaceyl oo dhex martay lamaane (Qiso xiiso iyo xamaasad leh).


Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Saciid iyo Ikraan, Saciid ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid cajiib ah.
Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Shingaani, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay isla magaaladda Muqdisho, intii aan waxbarashada ku guda jiray ayaa waxaan bartay gabadha aan adduunka ka calman doono ee Ikraan.
Ikraan ayaa waxay ku dhalatay magaalo xeebeedka ee Boosaaso, balse waxay kusoo kortay magaaladda Muqdisho, Ikraan ayaa waxaan u arki jiray in ay tahay gabar fur furan oo bashaash ah, soo jiido leh, kaaga daranee marka ay qosleyso ayaa waxaaba kasii qaadi jiray jaceyl baaxad weyn leh.
Anigoo Saciid ah ayaa si weyn u jeclaaday Ikraan, iyadana waxba maysan iga ogeyn, hase ahaatee waxaan la-imaaday dadaal culus, kaasoo aan ku hantay gabadhii aan kasoo xushay inta gabdhood ee ku dul nool caalamka.
Ikraan ayaa waxay noqotay gabar si weyn ii jacel, isla-markaana waxay ahayd gabar ku shaqeyso oo kaliya inta badan waxa aan dhaho, kaasoo qeyb weyn ka ahayd tex-gelintii balaarneed ee inaga dhaxeysay.
Maalin maal-maha kamid ah ayaa waxaa dhacday in la-isoo sheegay Aabahey oo xanuunsan, xilligaas ayaa wuxuu ku sugnaa magaaladda Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud, isla-markaana waxaan xal u arkay inaanan waxba ka qarin Ikraan oo aan u sheego sida ay wax u jiraan, Ikraan oo aan islahaa way ka nixi doontaa xanuunka soo wajahay Aabahaa, ayaa waxay ii sheegtay in ay yaaban tahay, isla-markaana ay dooneyso garab inaan siiyo.
Ikraan ayaa waxay ii sheegtay in uu soo doontay nin ay qaraabo ahaayeen, misena ka yimid wadamada horumaray, waxay kaloo ay ii sheegtay in uu ninkaasi ka socdo dhanka hooyadeed, isla-markaana ay Hooyo dooneyso in ay Ikraan u guuriso wiilka ay waalidka ugu aadan tahay.
Anigoo hadli kari waayay ayaa waxaan u sheegay Ikraan in aan kusoo jawaab celin doono, waxaan u imaaday wiilka kaliya ee saxibkay ahaa, mise-na aan u sheegan jiray wax walba oo igu soo kordha, hase ahaatee wuxuu igu baaqay in aan Ikraan si hoose u soo mehersado, si uu meesha uga baxo ninka ka yimid dibadda, balse warkaasi muusan noqon mid ii cuntama.
Iyadoo ay xaaladdu isku qasan tahay ayaa waxaan imid gurigii ay ku noolaayeen Hooyadey iyo walaalahey, cabaar kadib gabar ila dhalatay ayaa waxay dareentay in aan murugeysnahay, waxayna wax iga weydiisay sida ay wax u jiraan, waxaan u sheegay in aysan waxba jirin, oo ay xaaladdu tahay mid degan.
Weli xaaladdu waa ay cakiran tahay, iyadoo ay sidaasi tahay ayaa waxaa dib ugu soo laabtay Ikraan, waxaan ka codsaday in ay fursad ii siiso laba todobaad oo qura, si aan ula imaado hantidii aan iyada ku guursan lahaa, nasiib wanaag waa ay iga aqbaashay, durbaba waxaan soo xir xirtay boorsooyinkayga, waxaana u soo jiheystay dhankaasi iyo magaaladda Caabud Waaq.
Waxaan muddo toban cisho ah aan lasoo joogay Aabahay iyo caruur kale oo ila dhalatay, oo xilligaaasi ku sugnaa Caabud-waaq, galabtii tobnaad anigoo joogga Caabud Waaq ayaa waxaa i soo wacay wiilkii saaxibkay ahaa, wuxuuna ii sheegay in Ikraan la-guursan rabo seddex cisho kadib, waxay igu noqotay Yaabka Yaabkiisa, durbaba waxaan bilaanay in aan Ikraan soo waco, waxayna ii sheegtay in ay maamulka wadato hooyadeed, balse aysan iyadu shaqo iyo shuqul toona laheyn, waxayna iga codsatay in aan si deg deg ah kusoo gaaro caasimadda, sidii ayaana ku imid magaaladda. Muqdisho
Xilligaasi waxaan ahaa nin dhalinyaro ah, wax uu heystayna aysan jirin, (Jaceyl Faqiir Galay ma-fududa), waxaan u imid Ikraan, iyadoo bilowday in ay iga sheekeyso sida ay wax u jiraan, waxayna ii sheegtay in aysan ninkaasi dooneen, iyadoo igu tiri, waan ogahay hooyadeey ima kaa siineyso ee fadlan ina keen aanu isa soo meher xadnee (Qudbo Siro), hase ahaatee taasi maysan noqon mid aan ku qanco.
Waxaan u sheegay in aan dooneyn qudba-siro bacdamaa ay tahay xaaraan, Alle-na uusan raali ka ahy, waxaan kaloo ogaa inaanan ka bix kareen arooska Ikraan, waayo qarash gacanta maanan ku haysan, xaaladda qosyska aan ka dhashay-na si nugul ayaa uga warqabay, taasoo ii diiday in aan calfan waayo gabadhii aan ifka ugu jeclaa ee Ikraan.
Dood iyo murun dheer kadib Ikraan ayaa waxaa guursaday wiilkii ay qaraabada ahaayeen, anna waxaan soo aaday dalka Kenya oo waxaan ka bilaabay shaqo, hadase waxaan ku noolahay dalka Koonfur Afrika, waxaana ahay nin lacag iminka tacbanaaya, muddo kadibna Ikraan iyo ninkii ayaa wanaag ku wada jooggi jiray, ugu dambeen waa ay kala tageen, iyadoo ay xaaladdu sidaasi tahay ayaa Ikraan hooyadeed waxay ogaatay in aysan gabar la-noolaan kareyn nin xoog iyo qasab loogu guuriyay.
Ikraan hada waxay ku nooshahay degmada Xamar Weyne ee caasimadda dalka Soomaaliya, anna waxaan ku noolahay dalka Koonfur Afrika, waxaan ka laba labeynaayaa in aan Ikraan dib u hanto iyo in kale, wixii talo iyo fikir wanaagsan waa Akhristayaasha sharafta leh ee sheekadaan ka bogatay.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN





_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada