Dhacdo layaab leh oo dhax martay lamaana Soomaali ah dalka Mareekanka.

Dhacdo layaab leh oo dhax martay lamaana Soomaali ah dalka Mareekanka.


Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday gobolka Seattle Washington ee cariga Maraykan, iyadoo ay dhex martay lamaane Soomaali ah oo aad isku jeclaa. Balse dhibaatada ayaa waxay timid kadib markii ay maseertay Gabadhii uu ninka qabay. Buuq iyo qeylo joogta ah kadib ayaa sheekada waxay iskugu soo biyo shubatay in la-furo Gabadhii maseersaneyd.
Soomaaliduse waxay tiraahdaa Naag la-furay Fadhi Uma-yaal, kii Furay falkeed ku noqsay. Todobaad markii ay ka soo wareegtay ayuu wiilka guursaday Xaas kale, Hase yeeshee xaaskii uu horey u qabi jiray ayaa waxay maqashay in uu aqal galay ninkii horey u qabi jiray. Balse intaasi kuma aysan koobinee, 3 cisho kadib iyadana waxay la-aqal gashay Nin kale. Si kastaba ha-ahaatee guurkii ay guursatay Gabadhaan ayaa waxa ka war helay ninkii horey u qabi jiray, isagoo ay ku noqotay Yaab iyo Amakaag, lakin intaasi kuma uusan aamusin, oo wuxu qabsaday Qareen isagoo dacwad ku soo rogay xaaskii uu horey u qabi jiray, taasoo uu ku micneeyey in aysan nin kale guursan kale ilaa uu uga dhamaado “Cudada” taasoo ay Diinta Islaamka baneesay. Wuxu kaloo ku andacooday waxaa laga yaabaa in ay ii leedahay uur, iyadoo aysan u dhamaanin Mudada cudada ah.
“Nin kale wey-guursan kartaa, lakin waa goorma? Dabcan waa marka uu dhamaado xilliga cudada” sidaasi waxaa yiri ninkii horey u qabi jiray haweynaadaan oo nin kale guursatay iyadoo uusan u dhamaan xilligii cudada.
isku soo wada-duuboo Gabadhii ayaa la-soo taagay Maxkamad kadib markii ay meel kaga dhacday Diinta Suuban ee Islaamka, iyadoo ay weli socoto dacwadii lagu soo oogay Gabadhaan. la’arki doonee waxa uu xukunkeedu noqon doono.



_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada