Dhacdo layaab leh oo dhex martay lamaane Soomaaliyeed “Qiso naxdin iyo argagax leh”.

Dhacdo layaab leh oo dhex martay lamaane Soomaaliyeed “Qiso naxdin iyo argagax leh”.

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ciise iyo Sacdiya, Ciise ayaa wuxuu xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo ka hawl-galla Shabakadda Warbaahinta ee gubtanews.com, wuxuuna uu inooga waramay sidii ay wax u dhaceyn, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-
Waxaan ku dhashay degmada Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, laakiin waxaan ku soo barbaaray magaaladda Muqdisho, waxbarashadeeda hoose, dhexe iyo sare ayaa waxaan ku soo qaatay isla magaaladda Muqdisho.
Xilligii aan dhiganaayay dugsigeyga sare, kana dhiganaayay Iskuulka Al Xikma ee magaaladda Muqdisho, ayaa waxaa dhacday maalin maal-maha ka mid ah in gaarigii baska ee aan u raaci jirnay xaafadda Geed Jaceyl oo aan degnaa, inaan ku dhex barto Sacdiya oo ah gabadha aan ifka ugu jeclaan doono.
Intii aanu ku guda jirnay barashadii baska dhexdiisa ayaa waxaan kala qaadanay teleefano xilligaasi aanu iska helli karnay, waxayna taasi inoo suurta gallisay inaanu si weyn iskugu soo dhawaano.
Xiriirkeenu ayaa wuxuu inta badan uu ku dhisnaa khadka teleefan, marka laga reebo inagoo mar mar ku kulmi jirnay qeybo ka mid ah magaaladda Muqdisho, oo aanu xilligaasi u qorsheysan jirnay inaanu isku aragno.
Sacdiya waxaan u arki jiray inay tahay gabadha kaliya ee waqtigaasi ii qalmi kareysay, anna waxaan mar walba ku dadaali jiray, sidii aan u sii xoojin lahaa xiriirkii igala dhaxeeyay gacalisadeyda Sacdiya.
Iyadu qudheedu waxay ii sheegi jirtay inaan ahay qofka kaliya ee la-qeybsan karo nolosha, runtii hadalada noocaasoo kala ah marka ay igu tiraahdo, waxaanba ka sii qaadi jiray kalsooni xoog leh, waxaana igu sii saa’idi jiray xiisaha aan u qabo.
Horaantii 2005-tii ayaa waxaa dhacday inaan waxbarasho jaamacadeed ka hello dalka Pakistan, waxaana arintaasi u soo bandhigay Sacdiya, durbaba waa ay soo dhaweysay, waxaana ugu dambeen ii suurta gashay inaan cagaha soo dhigto magaaladda Islamabad ee xaruunta dalka Pakistan.
Intii aan Jaamacadda ka dhiganaayay dalka Pakistan, ayaa waxaa aallaaba xiriir joogto ah laheyn gacalisadeyda Sacdiya, intii aan Pakistan joogay marnaba maanan dareemin inaan sii kala fogaanay Sacdiya, marka laga reebo inaan isku soo dhawaano mooyee, maxaa yeelay Sacdiya waxay ahayd gabadh aan ka taageeri jiray laabta/qalbiga.
Sanadkii 2009-kii xilli ay i soo idlaatay Jaamacadda ayaa waxay Sacdiya aaday magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxayna Addis Ababab ay u aaday arrimo la-xiriira guur iyo dhoof dibadeed, laakiin anigu waxay ii sheegtay inay caawin doonto gabadh ay ilmo adeer yihiin, taasoo ay igu sheegtay in lagu soo qalay laba gabdhood oo mataano ah, isla-markaana ay Addis Ababa u joogto arrimo la-xiriira dhoof dibadeed.
Waxaa dhacday in Sacdiya ay ku aqal-gasho magaaladda Addis Ababa, iyadoo guursatay nin ka yimid magaaladda Bern ee dalka Swizerland, kaasoo isna u sameeyay in uu u dacwoodo, si loogu qaado dalka Swizerland oo uu deganaansho ka heystay.
Bartamihii sanadkii 2010-kii, xilli ay Sacdiyo heshay Sharcigii ay ku aadi laheyd dalka Swizerland, ayaa waxaa dhacday inaan dib ugu soo laabtay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, markii aan ka soo bixi rabay Pakistan waxaan xiriir la-sameeyay Sacdiya oo joogtay Addis Ababa, waxaana ku iri aan iskugu imaano magaaladda Hargeysa, iyadoo igu tiri “Waa hagaag oo Hargeysa baan iskugu arki doonaa”, laakiin marka ay sidaasi i leedahay waxay heysatay Sharcigii ay ku aadi laheyd Swizerland, oo anna waxba kalama socdo.
Markii aan imaaday magaaladda Hargeysa ayaa waxaa dhacday, inay iyana u duusho magaaladda Bern ee dalka Swizerland, gabadhii aan ka fillaayay inay igu timaado Hargeysa, ayaa waxay cago dhigatay Swizerland, waxaana arintaasi ogaan doonaan muddo toban cisho kadib.
Markii aan Hargeysa imid ayaa waxaan garaacay teleefankii gacanta ee ay wadatay Sacdiya, maxaa yeelay waxaan u heystaa inay weli ku sugan tahay Addis Ababa, hase ahaatee teleefankeedu wuxuu ahaa mid dansan amaba hawada ka maqan, anigoo arintaasi ku jahwareersan, baa waxaan Email u diray Sacdiya, isla-markaana waxaan u sheegay inaan ku suganahay magaaaladda Hargeysa, ayna iga soo wici karto teleefanka aan ku dhex wato magaaladda Hargeysa, oo aan u qoray.
Waxaa dhawr saacadood kadib i soo garaacday Sacdiya iyadoo ku sugan magaaladda Bern ee wadanka Swizerland, waxayna ii sheegtay sida ay wax u dhaceen, laakiin arintaasi ayaa waxay igu noqotay mid fillan-waa ah, teleefankii baan ku dembiyay, waxaana durbaba garaacay isla teleefankii ay iga soo wacday, anigoo xaqiijinaayo in waxa ay ii sheegeyso inay dhab yihiin iyo in kale.
Ugu dambeen waxaa ii cadaatay inay Sacdiya ku sugan tahay Swizerland, anigoo aad u careysan baan si kulul u weydiiyay, sababaha ay sidaan oo dhan igu qiyaantay, hase ahaatee waxay ii sheegtay hadal aan ku qanci karin, waxaan murugooda oo aan iska ciishoodo, ayaa waxaa gar-waaqsaday inaan dhexda xirto oo aan Sacdiya iskaga samro, maadaama ay tahay nin kale afadiisa/xaaskiisa, waxaana markaasi u duullay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaan Nairobi ku guursaday gabadh uu adeerkey dhalay oo ka timid dalka Canada, waxayna ii sameysay dacwad, hada waxaan weli ku noolahay magaaladda Nairobi, waxaana dhawaan rajeynayaa inaan aado dalka Canada, marka aan Sharciga hello.
Dhacdadaan oo igu noqotay mid mucjiso ah, ayaa waxaan gartay inaan u soo bandhigo Shabakadda gubtanews.com, intaasi ayaana ku soo gaba-gabeynayaa qisadii iga qabsatay gabadhii aan mudada dheer u hanqal-taagaayay ee Sacdiya.
Dhamaad
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada