Cabdi Qeybdiid "Aniga iyo Kuxigeenkeyga waa is casileynaa hadii la ballaariyo Maamulka G/Dhexe"

Cabdi Qeybdiid "Aniga iyo Kuxigeenkeyga waa is casileynaa hadii la ballaariyo Maamulka G/Dhexe"

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay inay is casili doonaan isaga iyo kuxigeenadiisa, hadii lagu heshiiyo dhismaha maamul goboleed uu yeelanayo Gobolada Dhexe.
Isagoo ka hadlayay kulan ay wada qaateen isaga iyo Xubno ka socday Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe oo shalay ka dhacay Koofurta Galkacyo ayuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu xilkiisa ka tago.

Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay inuu socdo qorshayaal lagu mideynayo Maamulada gobolada dhexe, isagoo xusay in tani ay muhiim u tahay nabadgelyada iyo isku xirka deegaanada goboladaas.

"Aniga iyo Madaxweyne kuxigeenkeyga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa diyaar u nahay inaan is casilno, marka lagu heshiiyo in la ballaariyo maamulka gobolada dhexe, mana isku dhejin doono, walaalaheyna waxaa ka codsaneynaa in aysan xariga dhexda ka qaban"ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa sidoo kale sheegay inay jiri karaan dad dhaliilo wata, isagoo ka digay in dhaliilaha ay noqdaan kuwo wax qalda, waxaana uu ku wargeliyay dhinacyada ku sugan gobolada dhexe inaan Galkacyo lagu qeybsan wax xilal ah oo wax walba ay banaan yihiin.

Xubno ka socda Culumaa'udiinka Ahlusuna Waljameeca oo tagay Koofurta Galkacyo ayaa heshiis horu dhac ah la gaaray maamulka Galmudug, kaasoo ku saabsan sidii ay ugu midoobi lahaayeen maamul loo sameynayo Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Hase ahaatee Gudoomiyaha degmada Guriceel ee maamulka Ahlusuna Cismaan Ciise Taar-dhuleed ayaa ka soo horjeestay fikirka ku saabsan maamul labada dhinac u mideysan yihiin loo sameeyo gobolada Dhexe, isagoo ugu baaqay Gudoomiyaha guud ee Ahlusuna inuu go'aan ka qaato arrintaas.

Galmudug ayaa ka arimisa Koofurta Galkacyo, iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug, inkastoo magaca aas aaska maamulka uu ku saleysan yahay Labada Gobo ee Galgaduud iyo Mudug oo loo soo gaabiyay Galmudug, inkastoo aanu si dhameystiran uga howl gelin deegaanada labada gobol.

Si kastaba ha ahaatee Gobolada Dhexe ee Soomaaliya oo maamulo kala duwan ay ka jiraan ayaa waxaa uu caan ku ahaa khilaaf siyaasadeedka iyo dagaalada dhex mara beelaha walaalaha ee dega goboladaas, iyadoo hadii maamul mideysan laga hirgeliyo goboladaas ay keeni doonto amaan iyo wax wada qabsi dhex marta bulshada degan goboladaas.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada