Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale ku celiyay in wax gor-gortan la galeyn Ajaaniibta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale ku celiyay in wax gor-gortan la galeyn Ajaaniibta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay in aanay dowladiisa wax gor-gortan la geli doonin Ajaaniibta ka bar bar dagaalanta Al-Shabaab, isagoo mar kale fariin u diray dhalinyarada Soomaalida.
Hadal uu shalay ka jeediyay Munaasabada 41aad ee sanad-guurada ciidamada nabadsugida qaranka ayuu Madaxweynuhu ka hadlay dagaalanka ay kula jiraan Shabaab, waxaana uu ugu baaqay in dhalinyarada la qaday inay soo laabtaan.

"Dhalinyarada waxay heystaan furad ay nolol wanaagsan ay ku noolaan lahaayeen, hadii aysan dad dileyn, oo ay wax qarxineyin, iyaga is dileyn, fursad waa tanaa ha shaqeystaan, wixii hore haka yimaadaan, waxay ku imaan kartaa wadada ABC, intaas wixii qancin weyso waa iska qabasho"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ajaaniibta aanu wax boos ah aanu dalka uga banaaneyn, isagoo xusay inay u furan tahay oo kaliya inay dalka isaga baxaan.

"Dadka ajnabiga ee yimid, waxay isugu jiraan kuwo dalalkooda dambi ka soo galay, kuwo caqiido qaba, asbaab badan isgu jiraan meel uma heyno, waa inay iska baxaan, wax kale naga dhaxeeyo ma jiraan, caqli celinta aan u heyno waxa waaye inay dalka nooga baxaan, wax kale oo naga dhaxeeyo iyo soo dhoweyn ma jirto"ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa yiri "Dalkaan Soomaaliya iska leh, ha ogaadaan muslimiinta iska leh, laakiin muslimiinta Soomaalida is ka leh" Madaxweynuhu ayaa dhowr jeer oo hore fariin u diray dhalinyarada ka bar bar dagaalanta Shabaab iyo ajaaniibta.

Al-Shabaab oo horaantii sanadkii hore ku biirtay Al-Qaacida ayaa waxaa ka bar bar dagaalama dagaalyahano ajaaniib ah oo dalal dhowr ah ka yimid, iyadoo bishii tagtay war ay soo saartay ku sheegtay in Abuu Mansuur Al-Amriiki ku hadli karin magaca dagaalyahanada ajaaniibta, isla markaana aanu wax xil ah heyn, iyadoo go'aankaas ahaa mid iska bari-yeelid.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada