Is bedelo lagu sameynayo hogaanada Ciidamada qalabka sida.

Is bedelo lagu sameynayo hogaanada Ciidamada qalabka sida.

Is bedelo dhinaca hogaanka ayaa saameyn doona Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo qorshayaashan uu ahaa mid in muddo ah soo socda, kaasoo haatan heer gabo gabo maraya.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in is bedelkan uu saameyn doono Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida qaranka Axmed Macalin Fiqi, oo xilkiisa lagu bedeli doono shaqsi kale oo aan wali la xusin.

Laakiin sababaha uu booskaas ku weyn doono ayaa aheyd mid horayba loo hadal hayay, gaar ahaan habka awood qeybsiga ay dowladda ku dhisan tahay, maadaama Agaasimuhu iyo mid ka mid ah xubnaha Golaha wasiirada ay isku heyb yihiin.

Madaxda ugu sareysa ciidamada iyo Hey'adaha ammaanka dowladda ayaa shirar ka lahaa mudooyinkii u dambeeyay qorshaha is bedelkan lagu sameynayo Hogaanada ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale waxaa uu is bedelkan si la mid ah Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida qaranka u saameyn doonaa Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo xilkan hayay tan iyo sanadkii 2011-kii.

Ma cada shaqsiyaadka lagu kala bedeli doono, ha yeeshee waxay tani ugu yaraan noqon doontaa mid yareysa cabashada ay qabaan qaar ka mid ah beelaha oo markii hore aaminsanaa in lagu qadiyay Golihii Wasiirada.

Is bedeladan ayaa noqon doona kii u horeeyay ee u qaado Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo aan wax kala bedel ah ku sameyn xilalka dowladdii hore ee KMG aheyd uga tagtay xubnihii ay u magacawday Taliyeyaasha Ciidamada iyo xilalka kale ee maamulada.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada