Boqolaal ciidamo oo la soo dhoobay magaalooyinka Puntland iyo rabshado laga cabsi qabo.

Boqolaal ciidamo oo la soo dhoobay magaalooyinka Puntland iyo rabshado laga cabsi qabo.

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa la soo dhoobay magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, iyadoo ciidamadan ay si feejigan u eegayaan dhaq dhaqaaqyada guud ee ka socda magaaladaas, xilli ay jirto cabsi laga qabo rabshado looga soo horjeedo muddo kororsiga uu sameystay Faroole.
Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo fara badan ay soo buux dhaafiyeen wadooyinka iyo xaafadaha qaar, si ay u adkeeyaan ammaanka.

Sidoo kale waxaa ciidamo badan lagu arkay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, halkaasoo saaka dibad bax kooban uu ka dhacay, kaasoo looga soo horjeeday muddo kororsiga Madaxweyne Faroole ee halka sano.

Ciidamadan la dhigay magaalooyinka ayaa ku soo aaday, iyadoo maalinta berri ay ku egtahay waqtiga afarta sano ee Madaxweyne Faroole la doortay, waxaana marka laga soo tago dhaq dhaqaaqyada ciidan bar bar socda shirar siyaasadeedyo.

Siyaasiyiinta ka soo horjeeda Muddo kororsiga oo haatan fadhigooda yahay Qardho iyo Galkacyo ayaa iyana dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed wada, inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha dhici kara marka la gaaro 8-da Janaayo oo maalinta berri ku beegan.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse Xirsi ayaa wada dadaalo uu ku dhex dhexaadinayo siyaasiyiinta iyo Maamulka Faroole, iyadoo uu haatan ku sugan yahay magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar, waxaana uu horay u tagay Galkacyo, Garowe iyo Boosaaso.

Puntland ayaa la aas aasay sanadkii 1998-dii, waxaana uu soo maray marxalado kala duwan, inkastoo sanadihii dambe uu horumaro dhinaca ammaanka ka sameynayay deegaanada uu ka arimiyo.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada