Daawo Mucjiso Rabaani ah oo si weyn loola yaabay caalamka oo dhan oo ka dhacday Masaajidka Nabiga CSW ee magaalada Madiina Munawara

Daawo Mucjiso Rabaani ah oo si weyn loola yaabay caalamka oo dhan oo ka dhacday Masaajidka Nabiga CSW ee magaalada Madiina Munawara

Mucjiso Rabaani ah oo si weyn loola yaabay caalamka oo dhan ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday masaajid Nabiga CSW ee magaalada Madiina Munawara ee dalkaas Sacuudi Carabiya ka dib markii uu jameecada dhexdeeda ka soo muuqday oo uu soo dhex fadhiistey qof ama malag aan la aqoon waxa uu ahaa oo ayna la yaabeen dadkii ku sugnaa masaajidkaas. 

Arintaan mucjisada iyo la yaabka leh ee ka dhacday magaalada Madina ee dalkaas Sacuuudiga ayaa waxay timid xilli ay jameecada islaamku isku diyaarinayeen tukashada salaada Jimcaha iyadoona jameecada ay si qushuuc ah ay u dhageysananyeen qudbadii salaada jimcaha ee uu masaajidkaas ka aqrinaayey sheekha lagu magacaabo Sheekh Cabdul Moxsen ayaa waxaa mar qura ka soo dhex muuqday oo dhex fadhiistey jameecada dhexdeeda ruux ama qof uu ka baxaayey korkiisa nuur iyo iftiin badan oo aan la aqoon waxa uu ahaa iyadoona uu qofkaas uu ka yaabsaday qaar ka mid ah jameecada islamarkaana ay kuwa kalena ay ku noqtey arintaas naxdin iyo waxay filan 
waayeen.

Ugu dambeyntiina inkastoo ay arintaan tahay mid uu muran weyn ka dhashay oo ayna dadka qaar aamisan yihiin qof caadi ah oo kaamirada ay sidaas u ekeysiisay, halka ay dadka qaarkiisna ay aaminsan yihiin inay tahay mucjiso rabaani ah ayaa run ahaantii aysan jirin cid sheegi karta waxa uu ahaa dhab ahaan qofkaas iyo meesha uu ka yimid oo uuna socdo baaritaan ku saabsan arintaas ayaa agaasimaha xiriirka dadweynaha ee xeradaas uu ku yaalo masaajidkaas sheekha lagu magacaabo Sheekh Cabdul Waxed Al Xattab oo arintaas ka hadalay ayaa waxaa uu sheegay inaysan iyaga ka maamul ahaan aysan waxba arkin laakiin ay maqleen arintaas islamarkaana ay ka aqristeen internetka uuna filaayo inuu ahaa qof caadi ah oo ay iftiinka kamarada iyo nalalku ay muuqaas u yeeleen, Sidoo kale ayaa madaxa xarunta telefishinada ee magaalada Madiina Saad Awfi ayaa sidoo kale waxaa u ku sheegay qofkaas inuu ahaa qof caadi ah oo ay muuqaas aan caadiga ahayn u yeeleen iftiinka nalalka iyo shucaaca ay bixisay kaamiradii duubeysay waqtigaas. 

Daawo Muuqaal Ahaan Mucjiso Rabaani ah oo si weyn loola yaabay caalamka
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada