Daawo Nin Badbaadiyay Keydkii Wasaaradii Arimaha Dibada Ee Dowladii Dhexe + Warbixin

Daawo Nin Badbaadiyay Keydkii Wasaaradii Arimaha Dibada Ee Dowladii Dhexe + Warbixin

Cabdi maxamad samatar cabdi dheere oo badbaadiyay hantidii qaranka, gaar ahaan  xafiisyadii iyo waradii arimaha dibadda ee ku tiilay magaalada muqdisho.

Cabdi maxamad samatar cabdi dheere oo ka tirsan saraakiisha ciidanka booliska soomaaliyeed waxaa uu kamid yahay shaqsiyaad fara ku tiris ah ee mudadii burburka 21 sano badbaadiyay hantida qaranka soomaaliyeed.

Cabdi dheere waxa uu ku guuleestay inuu badbaadiyo hantidii iyo documentiyadii uu lahaa qaranka gaar ahaan wasaaradii arimaha dibadda "ilaheybaa mahad leh anigu waxaanu isku daynay inaanu badbaadino, waxaanu ogeyn in maalin maalmaha kamid ah imaan doonto qaran soomaaliyeed, waxaanu ku dadaalnay inaan ka badbaadino burburkii iyo waxii dhacayay, illaheybaa mahadleh waanu ku guuleysanay" ayuu yiri cabdi dheere.

Cabdi dheere wuxuu ahaa markuu burburka dhacayay madaxa ciidanka amniga ee wasaaradda arimaha dibada.

Documintiyada uu badbaadiyay cabdi dheere oo ahaa kuwo aad u faro badan ayaa waxaa ku jiray sirtii dowladihii soo maray dalka iyo heshiisyadi ay wasaarada arimaha dibadda gashay intii u dhaxeysay 1960 kii ilaa 1991. oo xiligii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka.
Halkaan Hoose Ka daawo Videogo wareysiga cabdi dheere iyo documentiyada oo laso bandhigay. 
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada