Daawo Nin Timihiisa Baabuurta iyo Diyaaradaha Ku Jiidaayaa Adaa Yaabi Doone. . .

Daawo Nin Timihiisa Baabuurta iyo Diyaaradaha Ku Jiidaayaa Adaa Yaabi Doone. . .

Alex Riachi oo ah nin u dhashay wadanka Lubnaan ayaa baadi goob ugu jira sidii uu u gali lahaa buuga lagu daabaco waxyaabaha la yaabka ah ee dunida ee lagu magacaabo Guinness book of world records ka dib markii tintiisa uu adeegsadey in uu ku jiido baabuur waa weyn, isagoo sidoo kale diyaar u ah in uu ku jiido diyaarad weyn oo nooca rakaabka ah.

Sida ay tabisay wakaalada wararka National News Agency ee dalka Lubnaan Alex oo 30 sano jir ah kana soo jeeda magaalada Zahle ee dalkaasi wuxuu timahiisa oo inta la isku duubay qaybta dambe loo jiiday uu ku xiray xarig uu ku jiiday baabuur weyn oo culeyskiisu yahay 10 tan.


“Waxaa aad ii dhiirigaliiyey dadka magaalada aan ku noolahay, kuwaasi oo had iyo goor sacabka ii tuma, sawaxanna igu taageera, waa xiliyada aay timaheyga ku jiidayo gawaarida” ayuu yiri Alex
Alex Riachi wuxuu tagey garoonka diyaaradaha Beirut’s international airport ee magaalada Beirut isagoo xabadka u garaacay maamulayaasha garoonka in uu doonayo in uu tintiisa ku jiido diyaarad, hase yeeshee maamulayaasha ayaa u sheegay in arintan aanay u haysan fasax oo aanay u ogolaan karin.


Ninkan waxaa kale oo uu kaga yaabsadey bulshada reer Lubnaan isagoo dushiisa lagu burburinayo dhagax culeyskiisu yahay 700 kg, arintan ayuu wuxuu sameynayaa isagoo jiifa una jiifa jeego jeego ayuu labadiisa gacmood wuxuu ku aadinayaa xabadkiisa, ka dibna dhagax ayaa la saaraya, iyadoo qof sita dubbe aad u culus uu garaacayo, dhagaxa ilaa uu ku noqdo laba cad oo uu kala jajabo, arintan oo si weyn ula yaabtey cid kasta oo daawata.



_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada