Dagaal ka dhacay Puntland

Dagaal ka dhacay Puntland

Puntland waxa ay sheegtay
inay dagaal kula jirto al-Shabaab
Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ciidankoodu ay xalay dileen saddex ka tirsan al-Shabaab, shan kalena ay dhaawaceen kaddib markii weerar lagu soo qaaday.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo BBC u warramay ayaa sheegay in ciidankooda weerar lagu soo qaaday meel 40KM u jirta magaalada Boosaaso.

Waxa uu sheegay in hal askari dhinacooda uu uga dhintay dagaalkaasi.

Ciidamada Puntland ayaa intii muddo ah dagaal kula jiray wax ay ugu yeeraan argagaxiso buuraha Galgala.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada