Dhacdo Layaab Leh oo lagu arkay askari katirsanaa ciidanka Jarmalka kadib markii xabadkiisa uu ka soo baxay...

Dhacdo Layaab Leh oo lagu arkay askari katirsanaa ciidanka Jarmalka kadib markii xabadkiisa uu ka soo baxay...

Askari ka tirsan malitiraga dalka Jermalka ayaa lagu soo waramaya in ay qabsatay dhacdo la yaab ah kadib markii uu ka soo baxay hal naas oo kaliya, ninkaan ayaa lagu arkay xiliyada la leeylinayo ciidanka isaga oo leh naas, layaabka ugu darnaa ayaa ah kadib markii uu ninkaan ka tirsan ciiidanka Jarmalka uu leeyahay hal naas kaas oo ah naaska bidix.
Ninkaan ayaa lagu soo waramayaa in ay sabab utahay yeelashada naaska kadib markii cadaadis laga saaray xabdka isaga oo qofka laga garaaco xabadka sidaasna waxaa sameeya kuwa bixiya tababarka.
Ninkaan uu naaska ka soo baxay ayaa ka tirsanaa guutada loo yaqaano Wachbataillon, 75% guutadaan ciidanka ka tirsan ayaa kuleh qeybta bidix ee xabadka naas, waxaana la sheegay in ay sabab u tahay waxa loo yaqaano gynecomastia oo ah maada sababta in uu naaska soo kobco, Warkaan oo lagu soo daabacay maanta oo khamiis ah website www.metro.co.uk.
Professor Bjorn Krapohl ayaa sheegay “in ay jiraan xiriir aan sidaa u buurneen oo ka dhexeeyo qaabka ay ciidamada u qaataan tababarka iyo in uu soo kobco naaska kan xiga qeybt bidix” hadalka Professor Bjorn Krapohl ayaa ku soo aaday kadib markii la marsiiyay baaritaan askariga katirsanaa ciidanka.
 
Professor Bjorn Krapohl oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri “ waxan soo jeedin lahaa in la badalo qaabka ay u qaataan ciidanka tababarka, cadaadiska iyo jugeeska lagu haayo qeybta bidix ee xabadka ayaa noqon kara sabab uu naas ku soo baxo”.



Militariga jarmalka ayaa sheegay in dhannkiisa isagane isku hooli doono baaritaan uu ku sameeyo ragaan katirsan ciidanka ee naas ka soo baxay, ciidanka naaska ka soo baxay ayaa qaata daawooyin wax looga qabanayo xaalkooda.
 
Xiggasho: Iftineducation.
 
W/Q : Daalac Daahir Shoot

 

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada