Eden Hazard oo laad qabadsiiyay Mid kamid ah Wiilasha Banooniga soo qabta ( daawo Muqaalka)

Eden Hazard oo laad qabadsiiyay Mid kamid ah Wiilasha Banooniga soo qabta ( daawo Muqaalka)

Ciyaaryahanka Weerarka uga Ciyaara Kooxda Kubada Cagta ee Chelsea Eden Hazard ayaa xalay ku kacay fal layaab leh aan horey loo arag kadib markii uu laad la dhacay Mid kamid ah Wiilasha Soo qabta Banooniga xiliga uu banaanka uga baxo garoonka lagu ciyaarayo .

Dhacdadan ayaa ka dhacday Kulankii adkaa ee xalay dhax maray labada Koox ee Chelsea iyo Swansea lugta labaad ee semi-finalka Capital One Cup oo kusoo dhamaatay natiijo bar baro ah taa oo horseeday in Chelsea ee ka harto koobkan Swansea City-na usoo gudubto Finalka.

Eden Hazard ayaana ka carooday kadib markii Wiilkan uu banooniga kala soo daahay sidaana uu darbo culus ugu qariyay taa oo keentay in Ciyaaryahankan Rooso ama Calaamada Casaanka ah si toos ah loogu taago daqiiqadii 80-aad ee Ciyaarta.

Ciyaaryahanka Naadiga Chelsea Hazard ayaa raali galin ka bixiyay falkii uu xalay ku kacay isagoona sheegay in arintaasi hada dhamaatay, lamana oga in ganaax ama ciqaab uu kala kulmi doono Ciyaaryahanka xiriirka kubada Cagta ee Ingriiska.



Halkaan Ka Daawo Video ga Eden Hazard oo laad qabadsiinaayo Mid kamid ah Wiilasha Banooniga soo qabta.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada