Dowlada Soomaaliya Oo Dekadaha Magalooyinka Marka Iyo Kismaayo Canshuur Ururin Ka Bilaabeysa .

Dowlada Soomaaliya Oo Dekadaha Magalooyinka Marka Iyo Kismaayo Canshuur Ururin Ka Bilaabeysa .

Xukuumadda Soomaaliya ayaa iminka wado dadaalo ay ku doonayso in canshuuro looga qaado Dekadaha Magaalada Kismaayo iyo sidoo kale Magaalada marka ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.

Warkaan ayaa waxaa sheegay wasiirka wasaarada maaliyada iyo qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan Xilli uu la hadlaye raadiyaha Dowladda Soomaaliya.
Wuxuu shegay wasiirka in dhawaan la bilaabi doono qaadista canshuuraha Dekeda Kismaayo iyo sidoo kale dekada. 
Magaalda marka halkaasi oo ay iminka gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale beeniyay warar la isla dhexmaraye kaasi oo ahaa in Magaalada Muqdisho lasoo geliyay lacag Dowladda Soomaaliya ay soo daabacday kuwaasi oo lagu soo daabcay dalka Suudaan.
Wuxuu sheegay in wararkaasi ay yihiin been abuur islamarkaana aysan jirin lacago Dowladda Soomaaliya ay soo daabacday oo been abuur ah balse lacagtaasi daabicisteeda ay socoto sida uu sheegay.
Ugu dambeyn wasiirka ayaa wuxuu sheegay in ilaha dhaqaalaha ay kamid tahay canshuurta loona baahan yahay in Dekedaha dalka Soomaaliya laga qaadi isaga oo sheegay in qorshayaashii ay iminka socdaan.

_____________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada