War Deg Deg Ah Al-Shabaab oo Shaacisay in uu dhintay askari Faransiis ah ay dhaawac ahaan u qabteen Sawiradiisana baahin doonaan goor dhaw

War Deg Deg Ah Al-Shabaab oo Shaacisay in uu dhintay askari Faransiis ah ay dhaawac ahaan u qabteen Sawiradiisana baahin doonaan goor dhaw

Warbaahinta Xarakada Al-Shabaab oo soo xiganeysa Saraakiil katirsan Kooxdaasi ayaa goordhaw waxa ay baahiyeen in uu dhintay Askari Faransiis ah ee sheegeen Shabaab in isaga oo dhaawac ah ku qabteen Weerarkii labo habeen kahor ka dhacay Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose.

Warkan Shabaab kasoo baxay ayaa la sheegay in Kooxda Dhaqaatiirtooda ay isku dayeen badbaadinta ASkarigan balse uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray Weerarkii Ciidamada Faransiiska kusoo qaadeen Deegaanka Buulo Mareer.

Waaxda Warfaafinta u Qaabilsan Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in saacadaha soo aadan lasoo bandhigi doono Meydka Askarigan Faransiiska ah iyo aqoonsiyhiisa si Warbaahinta Calamka iyo kuwa Gudaha loo tuso.

Faransiisdka ayaa horey u qirtay in Weerarkii Buulo Mareer ku qaadeen in ay ku waayeen Labo Askari oo ciidankooda katirsanaa sidoo Kale Al-Shabaab ay qaarijiyeen Sargaalkii Faransiiska ahaa ee AFduub ahaanta u heesteen.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada