Dumarka Oo Leh Dhaqamo Cajiib badan Xiliga ay dhalayaan.

Dumarka Oo Leh Dhaqamo Cajiib badan Xiliga ay dhalayaan.

Dhaqanku Waa Shey Cajiib ah oo Umad Walbaa Ay Leedahay Balse Ay Ku Kala Duwan Yihiin Bulshooyinka Caalamka Ayadoo Bulsha Walbaahi Leedahay Hab Dhaqan u Gaar oo ay Iskula Jaan Qaadaan, Sida Habka Guur-ka,Haasaawaha/Xod-xodashada iyo Waxyaabo La Mid ah.

Hada Qeybta aan Rabo In aan Maanta aan idin Soo Bandhigno Ayaa Ah Habka Guurka ee Bulshada South Africaan-ka Ah Ay Leeyihiin iyo Qaabka Haweenka Uurka Leh ee u Dhow Xilligii Dhalmada Wax-yaabaha ay Samaayaan oo aan Hubo In aan La Tacajubi Doontaan.

Haweenka U Dhashay Reer South Africa Gaar Ahaana Qowmiyada Loo Yaqaano Kalar-ka Ama Colour-ka Ayaa Waxaa Ay Sameeyaan Xilliyada ay Guursanayaan.

Maalinta Sabtida Ayaa Loo soo Dhawadaa Gabadha waxaana Indhaha Looga Xeraa Maro, Isla Markaana Waxaa Dhaxda Looga Xeraa Geed Ka Sameysan Plastic oo Loo Egeysiiyay Xubinta Taranka ee Raga Kadib Waxaa Gacanta Loo Saara Weel Godan Sida Digsi oo Kale Waxaana Garbaha Kasoo Gala Haween Badan oo Mashxaradeynaya Ama Dheelaya Waxaana Lagu Soo Wareejiyaa Xaafadaha Dhaxdooda Ayadoo Guri Walbaa Irida Laga Istaajinayo Qof walbana Waxa uu Digsigaa Ku Ridayaa Waxa uu Awoodo.

Waxaan Siiyay Ama aan Wiilkii Ku Riday Lacag Yar aan Markaa Jeebka Ku Waday Waxaana Ka Codsaday In aan Sawiro Ka Qaado Si Aaan Bulshada Soomaaliyeed Ugu Soo Bandhigo Balse Waxa Ay Diideen Arintaa.


Sido Kale Waxaan Jirta Ayana Haweenka Uurka Leh Ama Xilliga Dhalmada ay Uga Harsan Tahay Bil Ama 2-Bil Waxa Lagu Sameeyaa Haweenta Wajiga Ayaa Maro Looga Duubaa Madaxana Timaha Inta Laga Furo Ayaa Lagu Jabiyaa Ilaa Dhowr Xabo oo Ukun ah,Waxaana Loo Mariyaa Korka Ama Jirka Bur Isla Markaana Waxaa Laga Siibaa Sheyda Kor Ay Ka Xeran Tahay Ayadoo Naasaha Loo Galinayo Naaso Galis Ama Han Gashi, Kadibna Waxaa Caloosheeda oo Gaaban Lagu Qoraa Magac-yo Sida Ninka Ay Uurka u Leedahay Magaca ay Jeceshay In ay u Bixiso Cunaga ay Dhali Doonto Wiil Ama Gabar,Kadib Haween Badan Baa Inta Garbaha Ka Qabta Ku Soo Wareejiya Xaafadaha Dhaxdooda.

Fiiro: Gaar Ahaan Dhaqankaan Dambe Haweenka Soomaaliyeed Marka ay Xilliya Dhalmada Gaaraan iyaguna Waxa ay Sameystaan waxa loo yaqaan Madax Shub ama abaay sitiyeey.

Hadaba Labadaan Dhaqan oo ah Kuwo Cajiib ah Isla Markaana aan Fialayo In ay Dhaqan Ahaan Kan Somaliga Farqi Weyn u Dhaxeeyo Waana Muhim In Dhaqan Walba aad Wax uun Ka Ogaato.


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada