FAALO:SIDEEBEY GABADHU U DOORAN KARTAA NINKA FIICAN EE MUNAASIBKA AH

FAALO:SIDEEBEY GABADHU U DOORAN KARTAA NINKA FIICAN EE MUNAASIBKA AH

Faaladan oo aynu kaga hadlayno sida ay habluhu u dooran karaan ninka munaasibka ku ah inay guursadaan ayaa waxaa jirta in hablaha qaarkood ay in badan ka fakaraan ninka ay dooran lahayd iyo caynka uu noqonayo, iyadoo ay hablahaasi ka baqaan in ninkaa ay kaga soo baxaan hadhow calaamado ayna u dul qaadan karin oo ay ka mid yihiin (Beenta,Bakhaylnimada & khiyaanada), 

Waxaa jirta in hablo badan ay baqdin iyo shaki badan kaga jiro sidii ay u dooran lahaayeen nin munaasib ah kuwaas oo had iyo jeer ka fakera sida ay u heli lahaayeen nin wanaagsan oo aan hadhow dayacin isla markaana aan meel cidlo ah kaga dhaqaaqin,
Hadaba marka laga hadlayo sidee bay gabadhu u dooran kartaa iyo maxay ku dooranaysaa ninka nolosha la wadaagaya waxaa jira in dumarka iyaga uu NABIGU(CSW) uu inoo sheegay in lagu guursado afar kuwaas oo kala ah 1,Quruxdeeda,2, Maalkeeda, 3 nasabkeeda, 4 d iinteeda,
Marka laga hadlayo sidee bay gabadhu u dooraneysaa ninkeeda wey ka duwan tahay sifooyinkaa uu NABIGU (CSW) sheegay in dumarka lagu doorto. waxaanan ka soo qaadan karnaa laba arimood oo ninka kaga saabsan sifooyinkaa waana kuwan,
  • SIDEEBAY GABADHU U DOORAN KARTAA NIN MUNAASIB AH.

Guurku sidiisaba waxa weeye furaha nolosha dhabta ah waxaana hubaala in farqi weyn u dhaxeeyo nolosha guurka iyo nolosha dhalinyaro nimada qofkuna uu kala qiime badan yahay marka uu reer leeyahay iyo marka kale hadaba inagoo taa ka duuleyna waxaan isku dayeynaa inaan halkan ku eegno sida ay gabadhu u dooran karto ninka munaasibka ku ah,

Waxaan odhan karnaa marka hore ninku waa inuu noqdaa nin diinta fahamsan. taasi waxa ay keenaysaa ugu yaraan inuu ninkaasi ogaado inuu xilka gabadhaa isagu qaaday oo ilaahay kala xisaabtamayo,
Arinta labaad waa nasabka oo arinta nasabku waxay xambaarsantahay macno weyn oo aan ahayn sida ay dadku u arkaan waayo nabigu(CSW) markuu ka hadlayey nasabka ugamuu jeedin qabiil oo diintu mey kala sareysiineyn qabiilada laakiin waxaa looga jeedaa inuu ninkaasi ama gabadhaasi noqdo qof wanaagsan oo dhaqankiisa iyo dabeecadiisuba fiican yihiin dadkana jecel oo aan necbeyn ama reerkoodu fiican yahay  sida soomaalidu u tidhaahdo qofkaasi waa qof nasab ah iyagoo sheegaya inuu fiican yahay. Tusaale ahaan waa halka ay soomaalidu ka tidhaahdo haweenka iyo geelaba waa la hido raacaa oo looga jeedo gabadha reerkooda ayaa la eegaa inay fiican yihiin markaad guursanaysid. markaa waxaa la yidhaahdaa reer nasaba ayay ka dhalatay,
Markaa ninka sida dumarkaba looga baahan yahay labadaa qodob waa shey muhiima inuu isagaana laga helo ninka ay gabadhi doonayso inuu ninkeeda noqdo.

Marka aynu u soo noqono Quruxda & maalka ee dumarka layidhi waa loo guursan karaa hadii laga hadlayo gabadhu sidee bay nin u doorataa ku munaasib ah waxaynu odhan karnaa labadaa qodob muhiim maaha. waayo gabadhu marka ay doonayso nin wanaagsan maaha in ay lacag ku xidho waayo ninkii wanaagsanaa ee ay doonaysay waxa uu noqon karaa mid aan lacag haysan laakiin nin wanaagsan oo dhaqanaya ah. markaa qodobkaasi muhiim maaha iyadoo hadii ay gabadhu hesho nin maalna haysta dadnima diisuna wanaagsantahay ay tahay arin wanaagsan laakiin maalku maaha wax yaabah muhiimka ah ee ninka lagu doorto,
Qodobka kale oo ah quruxda isaguna marka laga hadlayo doorashada ninka munaasibka ah maaha qodob muhiim ah waayo ninka waxaa looga baahan yahay  masuuliyad iyo garasho uu reerka ku dhaqan karo laakiin inuu qurux badan yahay iyo i nuu fool xun yahay muhiim maaha, Laakiin hadii ay gabadhi jeclaato  nin maal haysta ama qurux badan hadii uu ninkaasi leeyahay sifooyinkaa wanaagsan ee dabeecada iyo dhaqanka wanaagsan ay kamid yihiin waa arin fiican oo wixii ay dooneysay bey isku heshay laakiin quruxdu maaha qodob muhiim u ah marka ay gabadhi dooranayso ninkii ay guursan lahayd,
  • MAXAA LOOGA BAAHAN YAHAY HABLAHA GUUR DOONKA AH 
Waxaa muhiima in gabadha dooneysa inay hesho nin wanaagsan oo ay la noolaato ay marka hore nafteeda ku kalsoonaato oo hadii ay gabadhu tahay mid shaki badan waxaa dhacaysa inay ka shakido xitaa hadii uu soo maro ninkii fiicnaa ee ay doonaysay.talabaad waa inay tahay gabadh guur u diyaara oo markaa aanay ku jirin labac labac si iyada lafteedu aana y u lugoynin qof kale. ta sadexaad waxaa muhiim ah inay gabadhaasi isku daydo inay barato ninkaa intii macquula oo ay deg dega iska ilaaliso waayo dadku inta badan marka ay sheekeysanayaan waxa ay is tusaan intooda fiican oo qudha ogowna mar kasta oo aad ninka sii baratid waxaa kuu fududaaneysa inaad wax ka ogaatid dabeecadihiisa.Ta afraad in aanay noqonin gabadh bood bood badan oo marba meel isku qaada ee ay ku koobnaato ninka ay markaa u aragto inuu macquul yahay 
  • SIDEEBEY GABADHU U OGAAN KARTAA NINKA FIICAN
Jacaylka had iyo jeer dhexmara labada qof ayaa wuxuu keenaa isbarasho aad u fiican iyo inay labadaa qof is qiimeeyaan iyadoo qof waliba jeclaanayo ka kale wanaagiisa xitaa marka ay reer yeeshaan waxaa suuro gala hadii ay dhibaato ka dhex dhacdo in inta badan ay isugu dulqaataan jacaylkii s oo dhex maray awgii oo ay xasuustaan ayaamihii jacaylka.
Dumarka qaar ayaa sameeya inay ninkaa tijaabiyaan inta ay sheekadu u socoto oo laga yaabo inay Erey ku tidhaahdo iyadoo eegeysa inuu xanaaqo iyo in kale iyo hadii uu xanaaqo inta uu la,eg yahay xanaaqiisu. laakiin ogsoonow waxaa laga yaabaa in raga qaarkii hadii aad ka xanaajiso laga yaabo inaanuu soo noqonba markaa hadii aad ninkaa jeceshahay oo aadan ka maarmeyn kuuma wanaagsana inaad arintaa sameysid.
Dadka oo aad soo weydiisid hadii ay jiraan arimo aad dooneysid inaad wax badan ka ogaatid oo aad si hoose u wareysatid waana arin xitaa diintu ogoshahay.laakiin dadka aad wareysaneysaa waa inay ahaadaan dad macquula.
Waxaa iyana jira arimo iyagu aan qarsooneyn oo ay ka mid yihiin balwadaha sida sigaarka qaadka iyo khamriga kuwaa wey fududahay siday gabadhu ku ogaataa markaa in kasta oo aanay fiicnayn hadana waa inaad ogaataa inaad ku gali kartid iyo in kal e, iyadoo anigu shakhsiyan aanan kugula talinayn nin balwad leh noocay doonto ha ahaatee,
  • TALLO KU SOCOTA HABLAHA
1= gabadhu waa inay noqotaa mid ilaahay ku kalsoon ogowna ninkii ilaahay kuu qorey ayuun baad heleysaa,
2= Inaadan noqon gabadh shaki badan oo ragoo dhan ka shakisan,
3= inaad noqoto gabadh degen oo had iyo jeer u fiirsata talaabooyinka ay qaadeyso iyadoo aanuu fudeydku u fiicnayn rag iyo dumartoona,
4=Inaad iska ilaaliso inaad dadka had iyo jeer warka ka qaadatid oo aan uga jeedo inaadan maqal dadka laga yaabo inay talooyin khalada ku siinayaan ama kugu diraya hadii uu jiro nin wanaagsan oo aad sheeko guur leedihiin,
5= In aad qof walba kula dhaqanto wixii aad ka aragto,
6= In aadan isla weynaan oo dadka kale aadan u arag inaad ka caqli badan tahay ama ka fiican tahay,
7= In ninka aad dooneysid inaad nolosha la wadaagtid aad u raadisid si degen oo aqli ku jiro,
8= In dookhaagu aanuu noqon toban nooc ee aad mid qudha kusoo koobtid
9= Inaad iska ilaaliso maahmaahda soomaaliyeed ee tidhaahda dumarku kun bey isu keenaan kowna wey kala baxaan waayo nina ma jecla gabadha uu la sheekeysto ee uu doonayo inuu guursado inay rag kale la sheekeysato waxaayna keeneysaa taasi inay sumcadaada hoos u dhigto hadii uu kugu arko rag kale wuxuuna ninku kaa fahmi karaa khalad. hadii aad ninkaa is fahmi weydaan oo aad kala tagtaan waad doonan kartaa ninkale oo aad sheeko guur wada yeelataan,
10= Qodobkan oo ah mid muhiim ah waa in gabadhu ay isku daydo inay hore u guursato waayo nolosha dhabta ah waa guurka waxaadan ogaataa marka aad reer yeelatid inaad ka magac iyo sharaf badaneyso markii aad inanta ahayd, 
Faaladan waxa aynu kaga hadlaynay sida ay gabadhu u dooran karto nin wanaagsan marka ay gabadhu guursato iyaduna waa arin kale markaa taa mar kale ayaynu ka hadli doonaa waxaan filayaa inaad ka faa,iideysataan.



W/Q: WARIYE BARKHAD C/LAAHI MAXAMED
 _______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada