Qurbo Joogta Muqdisho kusoo laabaneysa oo Sicir barar laga Wada qeyliyay ku keenay Guurka(Warbixin Xasaasi ah)

Qurbo Joogta Muqdisho kusoo laabaneysa oo Sicir barar laga Wada qeyliyay ku keenay Guurka(Warbixin Xasaasi ah)


Magaalada Muqdisho mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa dib ugu soo laabanayay Qurbo joog tiro badan oo ka kala imaanayay Qaaradaha ,Yurub ,Amerika iyo Waliba dalal afrika ku yaala kuwaa oo Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay sanado badan ay ka maqnaayeen kadib.

Dadkan Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabanayay ayaa u badan rag mudo Wadanka moogaa kuwaa oo qaarkood iskaabulnimo ku raagtay iyo kuwa Xaasas ay u joogaan Qaaradaha ay ka yimadaeen balse isbadal kale oo guur u baahan iyo in ay ku guursadaan Dalkooda hooyo ee Soomaaliya gabdho yar misana Qurux badan.

Qurbo joogta Dalka Dib ugu soo laabaneysa ayaa baaritaano badan oo la sameeyay waxaa soo baxday in salaanta iyo xiisaha ay dalka ugu soo laabtaan ay ku hoos jirto arimo guur ay damacsanyihiin kuwaa oo markii magaalada ay yimaadaan durbo dulaalo u badan haween in ay gabdho Qurux badan dirsadaan si ay u guursadaan.

Raga qaarkood ee Qurbaha ka yimaada qabana Xaasas kul kulul ee kaga soo tageen halka ay ka yimaadaan ayaa sameeya kaaro ay isku qarinayaan iyagoo lacagao badan siiya reerka ay gabdha ka rabaan wax aroos ahna ana loo dhigin guurkuna uu noqdo mid juuq lay ah si aysan u gaarin xaasaska kul kulul ee yurub u jira .

Ragan Qurbaha ka yimid ee Guurdoonka ah ayaa lacago badan waxa ay ku faraqaan Gabdhaha ee guursanayan iyagoona reeraha gabdhana kaga farxiya lacag aysan horey u fileyn taa oo keentay in Waalidiin badan oo magaalada jooga ay gabdhahooda la jeclaadaan raga dalka dib ugu soo laabanaya ha ahaadaan wiilal dhalinyaro ama kuwa mudo soo joogay.

Ragan Jeebka Dollarka ku wata doonayana Gabdhao da’dooda ka yartahay 20-Sano ayaa isbadal dhinaca qarashaadka ku keenay guurka iyagoona hada uu meesha kasii baxayaan raga tabarta yar aan awoodin in ay jeebka si fiican gacanta u galiyaan lacago badana baxshaan kuwaa oo ka cabanaya ragan dibada kayimid ee lacagaha Xisaab la’aanta kusoo gashay gabdha madaxooda ku shubay Aroos aan horey loo aragna u dhigaya.

Mid kamid ah Dhalinyarada Muqdisho kusugan oo mudo u diyaargaroobay in uu guursado aruursadayna lacag dhan Kun Dollar uu doonayay in uu arooskiisa ku maareeyo kana gato alaab sidoo kale Cida gabadha uu qeyb kasiiyo ayaa ii sheegay in uu hada iska samray dhaxdana uu meerax ku xirtay lacagtii uu islahaa in ay waxtareesana u muuqato mid aan socon maadaama ee Magaalka soo galeen rag marka ee ugu yartahay 5-Kun Dollar iyo kabadan qarash gareenaya.

Magaalada Muqdisho maalin walbo waxaa ka dhaca Aroosyo aan caadi aheyn waxaana inta badan ka dhacaan Hoteelada Waa weyn waxaana xiliga galbiska la isdaba dhigaa Gawaari tiro badan gaar ahaan kuwa ugu qaalisan Magaalada kuwa aoo kusoo wareega qeybo badan oo Magaalada katirsan ,waxa sidaa u guursadana waa raga inta badan Qurbaha ka yimid ee Jeebkooda Dollarku ka buuxo.

Isku soo duuboo Waxaa xiligan la dhihi karaa Guurka ayaa maraya heerkii ugu qaalisnaa iyadoona waayo horey loo soo maray guurku ahaa mid waxii aad gabar ka geeso aan la isku celin jirin xitaa hadii ay yaryihiin reerka gabadha kabi jireen Arooska hasa ahaatee hada dib laguugo soo celinayo hadii aadan geyn lacago aad u tiro badan iyo dahab gabadha korkeeda lagu xardho.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada