Si fudud Qur'aanka Kariimka U xifdi iyo Asbaabaha Qofka ku Caawiya in uu Barto Qur'aanka Kariimka

Si fudud Qur'aanka Kariimka U xifdi iyo Asbaabaha Qofka ku Caawiya in uu Barto Qur'aanka Kariimka


Talaabooyinka ugu horeeya ee uu qaadayo qofka doonaaya in uu bilaabo xifdiga Qur’aanka Kariimka:

1. Isu Dulay Allah oo waydiiso in uu kugu caawiyo xifdiga kitaabkiisa
2. Daa’im Adkaarta la akhriyo Subixii iyo Galabtii iyo Hurdada ka hor.
3. Isku day inaadan ka maqnaan Majaalista Culumada gaar ahaan Ahlul Qur’aanka.
4. Lasaaxiib dadka wanwanaagsan si ay kuugu dhiirri geliyaan barashada Qur’aanka.
5. Daa’im waysada iyo istiqfaarta.
6. Marka aad xifdido isku day in aad ku tukato Qu’aanka aad baratay
7. Samayso in go,an oo aad maalinkii akhrido (wirdi ) waxaana wanaagsan in uusan ka yaraan Juz si aad bil walba Qur’aanka u khatimtid.
8. Iska ilaali kibirka ama isla weynida marka aad barato Qur,aanka iskuna day in aad barto dadka aan garanayn.
9. Ogow barashada Qur,aanka in ay tahay nicmooyinka ugu waaweyn ee Allah uu umadaan ku manaystay, waxa kaloo ogaataa in Darajaadka jannadana la egyihiin tirada ayaadaha Qur’aanka, qofwalba oo janada galana uu gaarayo.

Derejaadka inta aayad uu xifdisanyahay: sidaa daraadeed ha ilaawin in aad Allah ugu mahdiso aayad walbood barato si Allah xifidka kuugu kordhiyo maxayeeley shukriga iyo mahada celintu nicmada ayay ilaaliyaan oo kordhiyaan.

Cunooyinka iyo Dawooyinka kordhiya xifdiga:

Malabka wuxuu ka midyahay waxyaalaha ugu waaweyn oo kordhiya xifdiga , waxa ka mid ah tijaabooyinka lasameeyey oo kusaabsan xiriirka ka dhexeeya malabka iyo xifidka tijabadan (tajrubah): karkari Biyo kadib ku dar Nacnac(Arabic) ama Mint(English) ama Sactar(Somali) kadib ku dhibci dhowr dhibcood oo Saliida Xabadsowdada ah kadibna ku dar hal qaado oo malab saafi ah ka dibna cab aroortii, waxay kordhinaysaa xafidka jirkana sokor badan u baahan mayo malinkaas.


Badso cunida zabiibka aroortii

Cali Binu Abii Daalib wuxuu yiri caanaha Lo’da waxay xoojiyaan shaqada Wadnaha waxayna baa,biyaan ilowshaha badan.

Biyaha Zamzamka waxay Dadka ka caawiyaan hadab wixii loo cabo (bifadli llaah).

Kaluunka ama Malayga waxaa ku jira vitamins kordhiya maskaxda.
Waxyaalaha keena ilowshaha Qur’aanka.


1. Dunuubta badan
2. Dheregta badan
3. Hadalka badan
4. Hurdada badan
5. Akhriska Qur,aanka oo yaraada
6. Xiisaha badan qofka marka uu Qur,aanka bilaabayo iyo in uu xifdiyo aayado faro badan halmar.
7. Ku mashquulid arimaha Aduunka Sida ganacsiga iyo Qur’aankoo waqti badan lasiiin
8. Qofkoo Maal ama Cunna xaaraan ah cuna
9. In aad ku jeesjeestid dadka kaa liita xaga xafidka iyo is mahdin uu qofka naftiisa mahdiyo.

Dariiqada iyo jidka ugu sahlan oo Qurkaan lagu xifdin karo

1. Niyada oo Allah loo gaaryeelo (Ikhlaasun niyati Lilah)
2. In ay jirto baahi iyo go’aan kugu riixaaya barashada Qur’aanka.
3. Dooro waqtiyada Xifidka uu sahlanyahay sida salada Subax kahor, kadib iyo salaada Casar kadib.
4. Kadhegeyso Sheekh sifiican u yaqaan Qur’aanka intaadan xifdin kahor.
5. Samayso macalin aad uga baxdo inta aad xifdiday si uu kaaga saxo khaladaadka.
6. Kaxifdi hal Kitaab ama hal Dabcad.
7. Isku day in aad fahanto ayadaha aad xifdinayso ama dhegeyso tafsiirkooda inta aadan xifdin.
8. Go’aanso maalin walba in go’an oo aad xifdido sida hal Bog, hal Baal IWM.
9. Suurad kastaa markaad xifdido isku day in aad isku xirto iyada oo dhan hal mar.
10. Badi akhriska iyo dhegeysiga inta aad soo dhaftay .
11. Kafaaiidayso sanadada uu xifdiga sahlan yahay 7jir-23jir.

Adaabta Qofka Ahlul Qur’aanka ah .

1. Waysada oo lajoogteeyoCadayga oo lajoogteeyo gaar ahaan salaadaha kahor iyo marka Qur’aanka la akhrinaayo.

3. Meesha aad Qur,aanka ku akhrinayso oo aad doorato sida masaajida iyo meelaha wanaagsan oo la rajaynayo in malaigta ay imanayso.

4. Soonka oo la badiyo wuxuuna ka mid yahay waxyalaha ugu waaweyn oo xifdiga badiya maxaa yeelay qofka sooman wuxuu iska ilaaliyaa Dunuubta iyo Hadalka maalaayacniga ah.

5. Salaada Faradka oo la daa’imo iyo sunayaasha rawaatibta iyo salaada habeenka (salaatu laylka ama witir).

6. Qur’aankoo lagu khushuuco oo aayad walba loo fahmo in ay adiga kula hadlayso.
7. Codkoo laqurxiyo marka Qur’aanka la akhrinaayo
8. Aamuska badan iyo hadalka aan faaiidada lahayn oo la iska ilaaliyo.

9. Akhlaaqdoo la wanaajiyo sida runta sheegida, daacadnimada,Ballanka oo la ilaaliyo,Dadka oo weji furan lagu qaabilo,cafiskoo labadiyo IWM.

10. Qur’aanka waxa uu faraayo oo laqaato waxa uu kaareebayo oo laga haro.

11. Qur’aanka oo la isku daweeyo.

Gunaanad

Maxaad ka taqaan Kitaabkaaga Muqadaska ah oo Rabigaa kuu soo dejiyey?
Qur,aanka waa Kalaamkii Allah, Laga soo dejiyey samada, lana soo dejiyey Ramadan gar ahaan habeenka laylatul qadar, laguna soo dejiyey qalbiga Nebiyul laahi Muxamed Sallalaahu Calayhi Wasallam, lagu cibaadaysto akhiriskiisa. Qofka marka uu akhriyo Hal xaraf oo Qur’aanka kamid ah wuxuu helaa hal xasanah lakiin bisha Ramadaan wuxuu ku helaa 10 ilaa uu Allah ka gaarsiiyo boqolaal laalaab.

Macluumaad ku saabsan Qur,aanka kariimka ah.

1- Tirada Suuradaha Qur,aanka waaa 114.
2- ….. Jisaska Qur,aanka waa 30 jus
3- …… Suuradaha Maka ku soo degay waa 86 Suuro
4- …… Suuradaha Madiina ku soo degay waa 28 …….
5- …… Xisbiyada Qur,aanka waa 60 Xisbi
6- …… Maqrayaasha Qur,aanka waa 240 Maqre
7-…… Aayadaha lagu sujuudo waa 15 Aayadoood
8- ….. Saktaadka ama meelaha lagu hakado adigoo wax neefa qaadan waa 4 riwaayada xafsa.
9- …… Kelimaadka qur,aanka waa 77437 waxa kaloo la sheegaa inay yihiin 97439
10- ….. Xuruufta qur,aanka waa 323671 waxa kaloo la sheegaa inay yihiin 321180
11-…… Bisimada qur,aanka ku jira waaa 114
12-……… Dhibcaha qur,aanka(nuqad) waa 150681
13-…….. inta lafdu jalaala Çááåama Çááåã ku soo arooray waa 1360
14-…….. tirada aayadaha lagu xusay Nebiga Magiciisa Muxammad nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha aahaa tee waaa 4 aayadood oo ku kala jira suuradahan soo socda.

(A)-Aali cimraan aayada 144
(B)-Al-axsaab aayada 40
(C)-Muxammad aayada 2
(D)-Al-fatxi aayada 29
15-tirada aaydaha qur,aanka waa sidan soo socota .
(A) Cadadka reer Madiina waa 6217
(B) Cadadka reer Basrah waa 6235
(C) Cadadka reer Makkah waa 6220
(D) Cadadka reer Shaam waa 6226
(E) Cadadka reer Kuufah waa 6236

16- waxyaaba ka mida icjaazka qur,aanka .

IN ay wada sinmeen inta jeer lagu xusay

(A)-lafdiga aakhirah iyo lafdiga addunyaa. (115 jeer)
(A)-Malaaig iyo Shaydan (68 jeer)
(A)-Malin waxa Qur’aanka lagu sheegay (365 jeer).
(A)-Bil waxaa Qur’aanka lagu sheegay (12 jeer)

W/Q: Abdi Rahman Nuur Abukar (Aarshalay)





Fadlan Like Iyo Share si aad asxaabtada inTa internetka iSticmaasho ugu gudbiso Jazakallah

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada