Toban Dabeecadood oo Lagu Garto Guurka Wanaagsan amma Dhismaha Qoys Guulaysta

Toban Dabeecadood oo Lagu Garto Guurka Wanaagsan amma Dhismaha Qoys Guulaysta


Akhriste, qof kasta oo innaga mid ah oo lab iyo dheddig leh, waxa uu maanka ku hayaa siduu u guursan laha amma u dhisi laha qoys wanaagsan oo noloshiisa inta ka hadhay la qaata, waxana dunida oo dhan ku sii badanaya lammaanaha kala tegaya iyo furriinka, iyadoo bulshada saamayn badan arrintaasi ku yeelatay, sababtoo ah dhibta ugu badan waxay soo wajahda marka waalidku isku buuqo amma kala tago jiilka soo koraya oo nolosha ka dhaca, mustaqbalkooduna mugdi galo.

Haddba, guurka guulaystay waxa lagu gartaa dabeecadahan oo socda oo aad ku ogaan karto haddaad xaas leedahay in qoyskaagu yahay mid guulaystay, balse haddaad doonayso amma waqtigan ku jirto sidii aad u raadin lahayn laammaane guri fiican kula dhisa waa kuwan arrimaha guurka guulaysan kara lagu garto:

  1. In lammaanuhu ballan iyo axdi wada leeyihiin oo aanay maankooda ku jirin inay mar uun kala xidhiidh furmi doonaan, taasoo macnaheedu yahay inay kalsoonida ay isu qabaan marka hore dhisaan.
  2. In ay wada leeyihiin danno guud oo ay ka midaysan yihiin amma isku mid ah, taasoo looga jeedo inay is-qiimeeyaan, si isku mid ahna uga fikiraan qoyska iyo ubadkooda, shaqooyinkooda, hadafyadooda qoysnimo, isku tiirsanaanta oo ay ku qancaan inay waligood wada joogayaan wad kala kaxeeya mooyee.
  3. Inay isku xidhan yihiin, wadagaan fikradda iyo dareenka jacayl.
  4. Inay cibaadada ku adag yihiin, isuna dhiirrigeliyaan inay ku xidhnadaan Ilaahay iyo Rasuulkiisa (NNKHA).
  5. Is-aaminaad iyo wada tashi
  6. Dhaqaale iyo hawlkarnimo: waa in saygu dammaanad qaado nolosha qoyska oo uu dhaqaale ku filan u hayo si noloshoodu u horumarto.
  7. Guur waalidiintu ku furaxsan yihiin oo duco iyo taageero qoysaska lammaanuhu ka kala tirsan yihiin ku jirto.
  8. Lammaanaha oo jacayl isku guursadaamma iskood isu doortay amma marka la isu hibeeyo isku qanca.
  9. Shaqsiyad wanaagsan: Qofka dabeecadda iyo hab-dhaqankiisu wanaagsan yahay waxa uu noqdaa oori amma say wanaagsan, hooyo amma aabbo fiican.
  10. Cadho iyo murugo yaraan: waxaad isku dayda inaad noqoto qof xakameeya cadhadiisa iyo murugadiisa marka uu qoys dhisayo.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada