Gabar Dhalinyaro ah Oo waalidkeeda kula kacday Fal la Yaab leh kadib Markii ay Daroogo Ugu Dartay Cabitaan ++Warbixin(Video)

Gabar Dhalinyaro ah Oo waalidkeeda kula kacday Fal la Yaab leh kadib Markii ay Daroogo Ugu Dartay Cabitaan ++Warbixin(Video)

Gabar yar oo dhalinyaro ah oo ku nool dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay kula kacday fal la yaab leh waalidkeed si ay ugu suuro gashay inay ku soo jeedo internetka oo ay kula caweyso saaxibadeedda. 

Gabadhaan dhalinyarada ah oo 15 sano jir ah iyo saaxiibteed oo 16 sano jir ah oo aan magacooda la shaacin maadaama ay yihiin gabdho aan wali qaan gaarin kuna nool magaalada Rocklin, California ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay ku kaceen falkaan la yaabka ah oo ah inay waalidkeed gabadha 15 sano jirka ah loo qasay daroogo ama kaniiga hurdada si ay u seexdaan oo ay u suuxaan, gabadhaan oo sheegtay inay hooyadeed iyo aabaheed inay u soo iibineyso Milkshake ayaa waxay milkshagaas ay ku soo baraxday oo ay ku soo dartey kaniinga hurdada taas oo keentay inay waalidkii markii ay cabeen ay hurdo la dhaceen oo aysan waxba kala ogaan ilaa maalintii dambe, iyadoona ay gabahdaas yar siday rabtey ay hor fadhiisatey kombuutarka oo ayna gashay internatkii ay ka mamnuuceen waalidkeed wixii habeenkii ka dambeeya 10ka fiidnimo, Laakiin waalidka oo la yaabay waxa qabsaday islamarkaana markii horeba ka shakiyey dhadhanka milkashagaas iyo hurdad dheer oo ay la dhaceen ayaa baaritaan ay sameeyeen ka dib waxay ku ogaadeen in Milkshake ay gabadhooda u keentay ay wax ku jireen iyagoona ay u gudbiyeen ashtako booliiska taas oo keentay inay booliisku ay xabsiga dhigaan labadaas gabdhood. 

Ugu dambeyntiina iyadoo ay arinta ay ku kaceen gabdhahaan ay la yaab ku noqotey dadka deegaanka ayna ku tilmaameen inay tahay wax lala yaabo inaad nolosha waalidkaa aad qatar u galiso si aad internetka u gasho ayaa gabadhaas yar oo ka hadashay waxa ay sameysay waxay sheegtay inay waalidkeed yihiin kuwo ku adag sharciga islamarkaana ay tahay ayadu qof weyn oo aysana ahayn in loo qabto waqtiga ay ku jireyso internetka, gabdhaan iyo saaxiibteeda ka caawisay arintaas oo ay da'adoodu yar tahay ayaa waxaa la sheegay inay ka baxsadeen xabsi dheer hadii ay ahaan la haayeen dad waa weyn iyadoona dhawaantaan la hor keeni doono maxkamada dadka dhalinyarada ah ee aan wali qaan gaarin. 




_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada