Gabar iyo wiil laga eryay Isguul ku yaala Cape town sababo la xiriira Qamaar iyo Koofiyad ay xidheen

Gabar iyo wiil laga eryay Isguul ku yaala Cape town sababo la xiriira Qamaar iyo Koofiyad ay xidheen

Gabar iyo wiil Muslimiin ah ayaa laga eryay Isguul ku yaal magaalada Cape town ee dalka Koofur Afrika kadib markii ay soo Xirteen Qamaar iyo Koofiyad ay ku adkeynayaan dhaqanka Suuban ee Islaamka.

Labadaan wada dhalatay ayaa la sharaf-riday markii ay macalimiinta Isguulka ay ku qasbeen in ay iska dhigaan Qamaarka iyo Koofida oo ay ku andacoonayeen in aysan  ka mid aheyn labiska loogu tala galay isguulka .

Sakeenah Dramat, 16  iyo Bilaal, 13  oo dhiganayay isguulka lagu magacaabo Eben Dönges ayaa si toos ah loo eryay markii ay inantu diiday in ay iska siibto Qamaar halka wiilku iska siibay Koofiyada maadaama sida la sheegay uu yahay wiil yar oo aan u adkeysan karin buuqa iyo qaylada.

Hooyada dhashay caruurtaan oo lagu magacaabo Nabiila ayaa xustay in Wareysi lagula yeeshay gudaha Isguulka sanadkii la soo dhaafay lagula soo qaaday arintaan laakin markii danbe si dhirqi ah loogu ogolaaday in wixii aan khilaafeyn midabka dharka isguulka ay soo xiran karaan.

Macalimiinta Isguulka oo aan wax ka garaneyn dhaqanka suuban ee Islaamka iyo hab labiska muslimiinta ayaa si jees jees ah gabadha u weydiiyay sida ay ula qabsan kareyso cimilada kulul marba haddii ay madaxa iska dabooshay.

Inanta oo ah qof ku ad adag diinta Islaamka  ayaa sharaf iyo wanaag dheeri ah ku tilmaantay in ay habkaa u labisato kana duwanaato kuwa cawaanta ah ee cowradooda baneeyay.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada