Gabar U Dhalatay South Afrika Oo Jaceyl Daran U Qaaday Wiil Kamid Ah Ganacsatada Somalida iYo Gabadha Oo Shuruud Adag Lagu Xeray (Akhri Tolow Shuruuda Maxey Tahay?)

Gabar U Dhalatay South Afrika Oo Jaceyl Daran U Qaaday Wiil Kamid Ah Ganacsatada Somalida iYo Gabadha Oo Shuruud Adag Lagu Xeray (Akhri Tolow Shuruuda Maxey Tahay?)

Ganacsade Soomaali ah oo xaas iyo caruur ku leh dalka Koonfur Africa kana mid ah ganacsatada ugu tunka weyn dalkani ayaa soo jawahday caqabad xoogan oo ku aaday jaceyl daran oo ay u qaaday gabar yar oo hadda soo baxaso taasi oo uu guriga ganacsiga uu u yahay ay milkiiladooda leeyihiin waalidiinta gabadhasi.

Gabadhani oo lagu magacabo Nambulela ayaa ah 21 jir Madow South African ah oo dhawaan dhamaysay dugisga sare waxayna aad u jeclaatay Cumar Cabdi Qaasin oo dukaan Supermarket ku leh guriga ay maalin kasta kazoo kacda, waxayna sheegtay in jaceylka ay u qaaday 5 saano ka hor ka dib markii uu siin jiray waxyabaha macmacaanka sida Jokoletka, nacnaca, Jibsiga, iyo cabitaanada nuucooda ugu qaalisan taasi oo sababtay in dareenkeeda oo dhan ay siiso ganacsadahani daacada ah oo naxariista badan.

Balse Cumar Cabdi Qaasin ayaa isaga sidaasi u samaynayey si uu kasbado niyada waalidiinta gabadhani dhashay oo uu guriga ka dagan yahay maadaama uu gurigaasi ka sameeyo lacag aad u tiro badan isla markaana uu doonayo in uu kusii baaqi ahaado dukaankooda.

Arintani ayaa gaartay dadka degaanka iyo qoyska cumar iyadoo xaaska uu cumar qabo ay soo istaagtay jaceyl kasto oo loo haayo in aysan marnaba suura geli doonin in naag kale oo uu guursado ninkeeda halka waalidiinta gabadha dhalay ay iyagane xalka u arkaan in cumar lagu daro gabadhooda hadii uu diidana uu isaga guurayo gurigooda.

Lowyarka gaar ah ee cumar ayaa ku doodaya in weli aysan dhamaanin heshiiska guriga uu ku deganaa arintani ay tahay wax

cusub oo suuroobeynin madaama ninkani uu leeyahay qoys kale, Balse cumar ayaa hadda heysataa laba daran mid dooro oo ah in uu ka tanasulo dukaan weyn oo Super Market ah oo bishii ay kazoo gasho in kabadan sedex kun oo doolar kaasi uu lahaa lix sanno oo uu wadanka South Africa Joogo.


Haddaba Shabakada WMN oo arintani oo si gaar ah waraysiyo uga soo qaaday Nambuleela oo ah gabadha wax jeclaatay iyo cumar oo isagane ah ganacsadaha la jeclaaday ayaa u muuqda kuwo is fahamsan balse xaalada ay dhanka kale ka cakirmayso iyadoo gabadhasi aysan wax sharuud ah ku xerin lamaanaheeda balse waalidiinta ay arinta adkeenayaa.



_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada