QM: Waxaan Baareynaa Weerarada Droneska

QM: Waxaan Baareynaa Weerarada Droneska

Qaramada Midoobay ayaa baaris ku bilowday adeegsiga weerarada cirka ee ay fuliyaan dayuuradaha Droneska ee aan cidina wadin, iyo dilalka qorsheeysan ee la xiriira howlgalada argagixiso la dirirka ah.
 
Talaabadan, oo looga dhawaaqay Khamiistii shalay Magaalada London , ayaa waxaa lagu baari doonaa 25 weerar oo ka dhacay dalalka Pakistan,Yemen, Somalia, Afghanistan iyo Dhulka Falastiin.
 
Sidoo kale baaristu waxey xoogga saari doontaa dilalka dadka rayidka ah iyo dhaawacyada ka soo gaara duqeymaha Droneska.
 
Baaristan ayaa waxaa fulin doona Qareen u dhashay dalka Britain oo la yirahdo Ben Emmerson, oo ah ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay ee la dagaalanka Argagixisada iyo xuquuqul insaanka.
 
Weerarada Droneska ayaa badankood waxaa fuliya Mareykanka, inkastoo ay Israel sidoo kale adeegsatay, oo dalal kalena ay heystaan dayuuradaha noocaasi ah.
 
Pakistan ayaa ka mid ah sadex dal oo codsaday in baarista noocan ah la sameeyo, iyadoo horey u dhaleeceeysay weeraro uu mareykanka ka fuliyay bar tilmaameedyo ku yaala xuduuda dalalka Pakistan iyo Afghanistan.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada