Haweeney Lix Bilood Gudahood Ku Dhashay Labo Caruur Ah (Daawo Sawirada) | Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Haweeney Lix Bilood Gudahood Ku Dhashay Labo Caruur Ah (Daawo Sawirada) | Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Leah, waxay sheegtay inay mudo 24-saacadood foolanaysay cunugeeda koowaad oo ku dhashay Isbitaalka Frimley Park Hospital ee Degmadda Surrey.


Mar ay ka hadlaysay xilliga ay cunugga labaad dhashay, waxay sheegtay inay bishii October 29-dii ee isla sannadkii hore mar kale dhashay gabar ay ugu magac dartay Lacey, iyadoo xilligii foosha ka soo hordhacday muddo 3 bilood ah.

Waxay sheegtay inay gabadhan dhashay hal saac gudaheeda kadib markay foosha qabatay, inkastoo gabadhan yar dhibayso dhinaca neefta oo ay sanbabadu wax ka yihiin, waxana weli ku rakiban qalabka hawda Oksijiinka (0xygen) oo ay ku neefsato.

‘Ma rumeysan karaynin markaan helay. Waxaan uurka qaaday 5 isbuuc kadib, markaan dhalay wiilkayga curudka. Markii hore waxaan ku fekeray inaan mar kale uur qaadin. In muddo ah ayaan naxdin qaaday’ ayey tiri Leah oo intaasi sii raacisay inay muddo kadib dareentay inuu cunug caloosheeda ku dhex korayo.
Waxay kaloo sheegtay in Saaxiibkeeda carruurta ka dhalay oo 25-jir ah uu ka dhuuntay, markii uu dareemay inay cunug kale rajeynayso inay dhasho.

Haatan waxay si saaxiibtinimo ku wada nool yihiin nin kale oo og inuusan ubadkaasi aabe u ahayn.

Hooyadda dhashay Leah Baverstock oo lagu magacaabo Tina wxay sheegtay inuu ku faraxsan tahay inay Ayeeyo noqoto iyadoo 40-jir ah.

Tina oo iyada xitaa Kabilyeernimo ku shaqeysata waxay Wargeyska The Sun u sheegtay inay sugaysay inay Ayeeyo noqoto, balsa aysan marna filaynin inay labo cunug si dhaqso ah ku yimaadaan.







_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada