Jilaa reer Hindi ee Amadi oo sheegay inuu booqanayo Somalia.

Jilaa reer Hindi ee Amadi oo sheegay inuu booqanayo Somalia.

Jilaaga inta badan filimada Hindiga ugu qeyb qaata commediga ama qosolka ee la yiraahdo Johny Lever oo dadka Soomaaliyeed u yaqaan Amadi ayaa ka dhawaajiyay inuu booqon doono magaalada Muqdisho.


Amadi oo u waramayay warbaahinta dalka Hindiya ayaa xusay in uu aad u jecel yahay inuu tago Soomaaliya iyo dalal kale oo Africa ah oo aad looga taageero.

Jilaagaan ku caan baxay Commediga iyo shactarada ayaan xusin xiliga rasmiga ah ee uu booqon doono Muqdisho iyo ujeedada uu ka leeyahay, balse wuxuu tilmaamay in si weyn looga taageero Soomaaliya iyo dalalka kale ee Africa.

John Lever oo Soomaalida u taqaan Amadi ayaa aad u xiiseeya filimada uu ku jiro, iyadoo filimada uu ku jiro ee Hindiga ee lagu turjumo af-Soomaaliga waxaa codkiisa jila shactariistaha kale ee Soomaaliyeed Jeeri iyo Ajakis.


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada