Kudhawaad 8,00 oo ruux oo lagu raafay howl gal laga sameeyay Muqdisho subaxnimadii hore ee maanta.

Kudhawaad 8,00 oo ruux oo lagu raafay howl gal laga sameeyay Muqdisho subaxnimadii hore ee maanta.


Ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxa ay ku kalaheen qeybo kamid ah degmada Dharkeynley ee gobalka Banaadir halkaasi oo kusoo qabteen boqolaal ruux.

Howl-galkaasi oo ka dhacay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi ayaa waxa uu bilaawday xilliga shacabku ay u kala huleelaan shaqadooda halka ardaduna ay aadayeen goobaha ay cilimiga ka kororsadaan, waxaana in badan oo kamid ah dadkaasi ay ahaayeen arday.

Dadka lagu soo qabqabtay howlgalkaasi waxaa lagu sheegay 790 ruux, iyada 84 kamid ah loo gudbiyay xarunta nabad sugidda halka 706 kamid ahna lasii daayay kadib baaritaan lagu sameeyay

Qaliif Axmed Ereg, taliyaha nabad sugidda gobalka Banadir ayaa saxaafada u xaqiijiyay in dhamaan dadkaasi lasoo qabtay baaritaan lagu sameeyay, ayna ka dhalatay in lasii daayo qaar kamid ah, halka kuwa looga shakiyay Shabaabnimadana wali lahayo.

Waxa uu sheegay Ereg in kuwa lahaayo oo dhalinyaro u badan lagu tuhunsanyahay in ay qeyb kayihiin kooxaha argagaxisada uu ku tilmaamay ee Shabaab iyo tageerayaashooda.

Waxa uu sarkaalkaan sheegay in ay sii wadayaan baaritaanka ilaa laga nabad gelayo in xubna Shabaab ah kasii howl-galaan Muqdisho.

Raafkaan ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo baaritaan nuucaan oo kale ah uu kasocday gobalka Banaadir, iyada oo howlgalkii maanta uu ahaa mid lamid ah howl-galadii kahoreeyay ee lagu bartilmaameedsanayay qolyaha nabada Muqdisho ay ka hagaagi la’dahay.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada