Layaab : Haweeney 101 Sano Jir Ah Iyada Oo Qabriga Loo Sii Wada Dib Usoo Noolaatay (Aqr Layaabka Dhacay)

Layaab : Haweeney 101 Sano Jir Ah Iyada Oo Qabriga Loo Sii Wada Dib Usoo Noolaatay (Aqr Layaabka Dhacay)

BEIJING - Haweeneedaan oo lagu magacaabo Peng Xiuhua una dhalatay dalka Chine da’deeda lagu soo waramay in jirto 101 sano ayaa lagu soo warmay in ay dhimatay kadib markii uu wiilkeeda uu ku soo waramay in ay geeriyootay hooyadiis kadib markii uu ka waayay wax nuux nuuxsi ah ama dhaqdhaqaaq, wiilka ayaa ku soo war galiyay qaraabadiisa in hooyadiis aysan ku jirin wax naf ah.
Wiilka ay dhashay Peng Xiuhua ayaa ku soo waramay inta uusan qaraabada ugudbin geerada hooyadiis in hooyadiis ku dhawaad laba isbuuc ay saarneed sariirta iyada oo dhinsan.

Dadka ehelka la ahaa Peng Xiuhua ayaa soo xaadiray halka ay ka dhaceesay duugista iyaga oo doonaya in ay ka qeyb qaataan duugista, dadka soo xaadiray ayaa guda galay sidii ay u dhaqi lahaayeen meydka, mudadii ay socotay dhaqist meydka Peng Xiuhua wax nuuxsi ama neefsasho ah lagama dareemin.

Peng Xiuhua markii la galiyay naxashka loo sii wado dhanka iyo qabriga ayee halmar indhaha kala qaaday taas oo ku noqotay layaab dadkii ka soo qeyb galay duugisteeda.

Dhacdadaan oo ka dhacdaan dalka Chine gaar ahaan magaalada Lianjiang ayaa noqotay mid ay la yaabaan dadka deegaanka ama ku nool magaalada Lianjiang, warkaan oo lagu soo daabacay maanta oo jimcaha website kahttp://www.whatsondalian.com

Layaab kadib dadka deegaanka ayaa cunay cuntadii loogu tala galay.
 

W/Q Daalac Daahir Shoot
Xiggasho: Shumis.net

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada