Maraykanka ayaa sheegay inuu aqoonsi buuxa oo rasmi ah siinayo xukumada federaalka Somalia,

Maraykanka ayaa sheegay inuu aqoonsi buuxa oo rasmi ah siinayo xukumada federaalka Somalia,


Maraykanka ayaa sheegay inuu aqoonsi buuxa oo rasmi ah siinayo xukumada federaalka Somalia, iyadoo  aqoonsigan uu albaabbada u furayo xiriir dhexmara Soomaaliya iyo Mareykanka muddo ka badan 20 sano sida uu sheegay Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika, Johnnie Carson.

Isagoo saxaafada la hadlay ka dib kulan uu magaalada Washington kula yeeshay madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo booqanaya dalka Maraykanka ayaa Johnnie Carson waxaa uu sheegay in dowlada Somalia ay horumar balaaran ka sameysay xasilinta amniga qeybo ka mid ah dalka, ayna burburisay awoda xarakada  Al-shabaab.

Johnnie Carson ayaa intaa ku daray in madaxweynaha Soomaaliya, uu maanta la kulmi doono xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Hillary Clinton iyagoo ayna is dhaafsan doonaan qoraallo si rasmi ah u cadeynaya inuu soo laabtay xiriirkii Soomaaliya iyo Mareykanka u dhexeeyey.
Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika, Johnnie Carson ayaa soo dhaweeyay qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee bilo ka hor ka dhacday magaalada Muqdisho isagoo sheegay inay tahay midi ugu wanaagsaneyd ee Soomaaliya ka dhacda wixii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe.

Tan iyo markii laba diyarad oo Mareykanku leeyahay ay kooxo hubeysan ku soo rideen magaalada Muqdisho sannadkii 1993-kii ayna meydka askar maraykan ahna lagu jiiday jidadka somaliya taas oo sababtay in oo kala go,a ku yimado Xiriirka Mareykanka iyo Soomaalia.

Johnnie Carson sidokale waxo intaa ku daray in wixii hadda ka dambeeya uu bog cusub u furmi doono xiriirka maraykan iyo somalia.

adlan Like Iyo Share si aad asxaabtada inTa internetka iSticmaasho ugu gudbiso Jazakallah

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada