Qiso Faaido weyn xanbaarsan oo dhexmartay Alle iyo adoonkiisa oo cibaado badnaay Aqris wacan

Qiso Faaido weyn xanbaarsan oo dhexmartay Alle iyo adoonkiisa oo cibaado badnaay Aqris wacan


Jabril (calayhi-as-salam) ayaa nabiga (NNKH) u sheegay qiso cajiib ah. 

Jabril wuxuu yiri waxaa jiray nin Ilaahay (swt) caabudayay 500 oo sano oo isku xigta. 

Wuxuu ku nolaa buur korkeeda, buurtaasna waxaa hareereeyay bad weyn oo dhanaan ah, hase ahaatee Eebe weyne ayaa buurta korkeeda u keenay il biyo macaan ah, taas oo uu ka cabi jiray, una istimcaali jiray wayso. 

Waxaa sidoo kale la siin jiray miraha geedka Rumaanka ah (pomegranate) oo buurta dusheeda ka bixi jiray. 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa isagoo duceysanaya ayaa wuxuu Ilahay (swt) ka baryay inuu geerida u keeno isaga oo sajuudsan. 

Eebe weyne wuu ka aqbalay oo waxa la oofsaday isagoo sajuudsan. 

Jabril (as) wuxuu yiri maalinta Qiyaamo Ilaahay (swt) wuxuu amri Malaa’igta inay ninkaasi jannada ku geeyaan Raxmaddiisa darteeda. 

Hase yeeshee ninkaasi ayaa dalban doono in jannada lagu geeyo camalka u shaqaystay darteed. 

Kadib ayuu Ilahay (swt ) amri doonaa malaa’igta inay is barbar dhigaan camalkiisa iyo nicmooyinkii Ilaahay (swt) ugu deeqay. 

Markaas ayaa waxaa cadaan doonto in cibaadadiisii 500 oo sano ahayd aysan xataa u dhigmin nicmada isha wax lagu arko ee la siiyay. 

Markaas ayaa malaa’igta la amray inay ninkaasi u ka xeeyaan dhanka naarta. 

Aad iyo aad ayuu ninkii u qeyliyay isagoo Allah ka dalbaday “Allow naxariistaada igu geli janada. Dabadeed hadalkaan ayaa dhex maray Allah iyo addoonkii.

Eebe Weyne : Adoonkeygiyow yaa ku abuuray?

Adoonki: Eebe Weynow adaa i abuuray.

Eebe Weyne: Ma waxaa laguu abuuray camalkaada wanagsan dartiis mise Raxmadayda darteed?

Adoonkii : Raxmadaada darteed Eebe Weynow.

Eebe Weyne : Yaa ku siiyay 500 oo sano ood ilaahay (swt) Ku caabudo?

Adoonkii: Eebe Weynow adigaa ayaa awoodaas i siiyay.

Eebe Weyne : Hadaba waxan oo dhan waxay ku dhaceen naxariisteyda darteed maantana waxaad jannada ku gali naxariisteeyda darteed oo kaliya.

Fiiri: Ilaahay (swt) naxariistiisa iyo galadaha uu na siiyay ayaa marwalbo ka badan wax walbo oo kale. xaq aan ku leenahay markaan waajibaadkiisa gudannana majirto maadaamo inta uu na siiyay oo ka mid yihiin adimaha aan cibaadada ku gudanayno uu isaga na siiyay .

Mar walba u Mahad celiyo (Swt) Raxmadiisa iyo nicmadiisa uu kugu deeqay dhehna Allhamdulilah.


(Qoraa Khalid Rambo) Aaad ayaan idinka mahad celinaya waqtigina qaliga ah aad galinseyn sheekadan faidada weyn xanbaarsan Fadlan (Like iyo Share) Dheh Si aad asxaabtada ugu gudbiso adne allah ajar haka siiyo Mahadsanadiin )


Gaarsii Dhamaan Asxaabtaada inTa internetka iSticmaasho (share and tag ..) Jazakallah


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada