Mareykanka oo ku gacanseyray Asad.

Mareykanka oo ku gacanseyray Asad.

Victoria Nuland waa afhayeenka wasaaradda
arrimaha dibedda Mareykanka
Dowladda Mareykanka ayaa ku gacansayrtay qorshaha nabadda ee uu ku hadlay Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Asad oo ay ku tilmaantay isku day kale oo awoodda uu isku sii dhajinayo.
Haweeney afhayeen ah oo u hadashay wasaaradda Arrimaha dibedda, Victoria Nuland, ayaa sheegtay in maamulka Madaxweyne Asad inuu lumiyay dhamaan sharci ahaanshihii isla markaana uu xilka ka dego.
Isaga oo la hadlayay taageerayaal magaalada Dimishiq ayaa Madaxweynuhu waxa uu soo bandhigay qorshe lagu soo afjarayo dagaalka.
Waxay ahayd khudbadii ugu horreysay ee uu dadka la hadlo tan iyo bishii June isaga oo sheegay in qorshahanuu ku jiro shir dib u heshiisiin qaran oo qoraya dastuur cusub.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada