Qiso kusiyadineyso cilmi ku farxad galin doono ( Xikmada Beeralayda. )

Qiso kusiyadineyso cilmi ku farxad galin doono ( Xikmada Beeralayda. )

Boqor baa Ubaxay tamashlayn iyo Hawa qaadasho, wuxuuna arkay Nin beer falaya, heesna qaadaya, aadna u faraxsan. Wuuna layaabay wuxuuna kuyiri "Waxaa kaa muuqda Farax iyo Himilo fiicane, beerta maadaa iska leh, wuxuuna ku jawaabay "May kiro ayaan ku shaqeeyaa!!"

1. Wuxuuna weydiiyay meeqa ayaad ku qaadataa dhibkaan? Waxaan ku shaqeeyaa 4 Shilin Maalin walba.


Boqorkiina wuxuu weydiiyay: Makugu filan tahay 4 Shilin? "Haa way igu filan tahay" ayuu yiri "1 Shilin anaa masruufta, 1 Shilina dayn baan ku bixiyaa, 1 Shilina dayn baan kusii bixiyaa, 1 Shilina Ilaahay dartii baan u bixiyaa".

Boqorkiina wuxuu yiri "Waa hal xiraale aana fahmaynin, ee ii jilci?

Wuxuu Yiri "Waan kuu sharxiye dhagayso: Shilinka aan masruufto Aniga iyo Xaaskayga ayaa kunool. Midka aan daynta kubixiyana waxaan siiyaa, 2waalid ee isoo koriyay, ee igu soo daalay anoo yar, hadana duqoobay oo aan shaqayn Karin.

Shilinka aan hor marsadana waa midka aan ku masruufo ilmahayga, dharkooda, cuntadooda, waxbara-shadooda, si markay weynaadaan iigu soo celiyaan.

Shilinka aan sadaqaystana waa mid aan siiyo 2 gabdhood oo walaaalo ah oo jiran, si'aan u guto xaqii Ilaahay, ajara uga helo. Boqorkiina aad buu ugu farxay xikmada odayga beera layda ah, wuxuuna siiyay kiish lacag ah, wuxuuna kabartay qiimaha qanaacada, jacayka shaqada, xisaabtanka saxda ah iwm.

Hadaba qofka caaqilka ah waxaa laga rabaa inuu is weydiiyo su'aalahan; shaqadaada majece-shahay? Maku faraxsan tahay,Rabigii kusiiyay ma uga mahad celisaa? Sadaqo maka bixisaa si'uu Rabbi kuugu xifdiyo risqiga? Dadkii kuusoo kaalmeeyay heerkana kusoo gaarsiiyay (waalidkaa, macalimiin-taadii, saaxiibadaa iwm) maxasuusataa, ma'u mahad celisaa mise waad ilowday??



Ubadkaaga iyo inta aad mas´uulka katahay wax xalaal ah ood hubto ma siisaa mise waxbaad isku qastaa xaraanta iyo xalaasha??



Waxaana lahubaa qofkii su´aalaha sisax ah uga jawabaa, inuu siyaad-sanayo xasilooni,degenaan, raaxo qalbi, garwaaqsi fiican iwm.



Cudurada dadka halaagana waxaa u horgal ah inaan ilowno waxa aan haysano, ee faraha badan, kuna daalo/ aadna ugu mashquulo raadinta waxa inaga maqan oo kaliya.



Taana waxaa ka dhasha cudurada; fikirka xun, damaca badan, xadgudubka, xatooyada, boobka, taabsiga, bililiqaysiga iwm Alle hanaga koriyee. Waana kuwa bulshooyinka halaaga, dadkuna iskaga horyimadaan, isku nacaan, isuna dilaan, isku xasdaan.



Haduu Qof waliba ku qanci lahaa/ kusabri lahaaa, waxa uu Rabbi siiyay kana Mahad celin lahaa, waxaa yaraan lahaa aafooyinka; boobka, khayaanada, dhaca, xatooyada iwm. ku mahdi illah markaste shukran aqrintaada asxbta aan jeclahay inaa janada isku aragno insha allah ♥


Gaarsii Dhamaan Asxaabtaada inTa internetka iSticmaasho (share and tag ..) Jazakallah

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada