War Deg-Deg Ah: Wariye ka tirsanaa Idaacada Shabeelle oo lagu dilay Muqdisho

War Deg-Deg Ah: Wariye ka tirsanaa Idaacada Shabeelle oo lagu dilay Muqdisho

Allaha u naxariistee weriye Cabdi Xareed Cismaan Adan oo ka mid ahaa weriyaasha ka howlgala idaacada Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa kooxo hubeysan waxa ay ku dileen magaalada Muqdisho. 

Weriye Cabdi Xareed ayaa la sheegay in kooxahan hubeysan ay ku weerareen xilli uu ku sugnaa suuqa weyn ee degmada Wadajir magaalada Muqdisho. 

Kooxihii dilka weriyaha geystey oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa ka baxsaday goobta ay ku dileen weriyaha.

Waxana weriyaha oo loola cararay isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho la xaqiijiyey in uu geeriyooday.

Allaha u naxariistee weriye Cabdi Xareed ayaa caan ku ahaa soo jeedinta barnaamij si weyn loo dhagaysto oo xilliyada duhurtii ka bixi jirey idaacada Shabelle.

Weriye Cabdi Xareed ayaa noqonaya weriyihii ugu horeeyey ee lagu dilo magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya sanadkan cusub ee 2013ka. 

Dilka weriyahan ayaa imanaya iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ka socdeen degmoyinka Wadajir iyo Dharkeynley howlgalo dad badan lagu soo qabqabtay iyadoo dadkaasina badankood la sii daayay halka kuwo kalana ay weli ku jiraan xabsiga kadib markii loogaga shakiyay inay ka mid yihiin ururka Alshabaab.

 _______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada