Waxtarka Liima Dhanaanka

Waxtarka Liima Dhanaanka

Dhowaan buug uu u qoray in dhaqtar ah oo ugu magac daray " The miracles of Lemon" oo macnaheedu yahay Mucjisooyinka Liima dhanaanka  ayaa waxaa uu ku soo bandhigay dhakhtarku faaidooyinka caafimaad ee laga helo Liimo dhanaanta noocyadeeda kala duwan walow aad loo ammaanay midda jaalaha ah ee badanaa wadankeena ka baxda.

Liima dhanaanta oo ah nooc kamid khudaata ayaa uu sheegay dhakhtarku iney wax weyn ka teri karto caafimaadka qofka cunna isagoo la yaab ka muujiyey sababta la isaga indha tiray.

Liima dhanaanka waxaa dhakhtarku buugiisa ku sheegay in lagu daaweyn karo dhuun xanuunka ama waxa soomaalidu u taqaan Quunka, aaryada caloosha(ndigestion), Saxarada adeyga, gowsa-cirid xanuunka, qandhada guud, bidaarta, dhiiga qofka caloosha uga furma (internal bleeding),  Roomatiisimada (rheumatism,), gubashada, buurnaanta iyo cayilka, Naqas yaraanta (Respiratory disorders) Shubanka iyo koloraha iyo dhiig karka.

Dhakhtarka ayaa buugiisa ku sheegay in Faiidada liima dhanaanka aan la soo koobi karin isagoo sheegay in xattaa la ogaaday iney wax ka tarto cuduro aan dawo loo heyn sida HIV/AIDSka iyo kuwa kale .

Sababta ayuu sheegay dhakhtarku in liima dhanaanta laga helo maadooyin muhim u ah caafimaadka qofka cuna sida vitamin C, vitamin B, phosphorous, proteins, iyo carbohydrates.

Cilmi baaris ey sameysay Hay'ad aan dowli aheyn ee la yiraahdo American Urological Association ayaa sheegtay in Liima dhanaanta lagu daaweyn karo Dhagac kilyoodka( idney stones), iyadoo nadiifisa kaari mareenka iyo tubooyinka qaada kaadida.

Haddaba sidee loo isticmaalaa si Liimada loogu daweeyo cudurada aan kor ku soo sheegnay

Calood adeeyga iyo aashitada caloosha Indigestion and Constipation:
Liima dhanaanta waxey daaweysaa Calool adeyga iyo saxarada adag. Ku dhiigi liima dhanaanka cuntada aan ku cunto marka kasta (iska caanaha waa bajineysaaye) si markaas ey kaaga caawinto calool adeeyga iyo waliba aashitada. Ogow ineysan run aheyn wax badan oo ey aaminsan yihiin dad badan oo leh Liimada aashito ayey igu rideen. Run ahaantii aashida nooca dadka ku soo laabjeexa wey baabineysaa.

Qandhada ama feebarha(Fever:)

Liima dhanaanta waxaa lagu daaweyn karaa feebarhaa ka dhasha Xumada, gargabka. Wuxuuna sheegay dhakhtarku in wax ka tarto neefshada qofka isla markaasna ey siyaadiso wareega dhiiga iyadoo waliba disha jeermiska qaar.

Ilkaha iyo gowsa iyo cirid xanuunka Dental Care:

Liima dhanaanka ayaa wax weyn ka tarta Gowso iyo cirid xanuuka iyadoo disha barteeriyada ama jeermiska ilkaha dad ka xanuujiya. Marka gows ku xanuunto ku qabo liima dhanaan gowska ku xanuunaya. Ma aha qobka balse murxaha hoose ama ku luqluqo biyaha liima dhanaanka adigoo in door ah ku heynaya halkaasi si uu u dilo jeermiska.

Sidoo kale haddii aad qabto yirid ama ciridku kaa bararo ku rumeyso ama ku luqluqo biyaha liima dhanaanka. Waxaa kale oo la sheegay in dadka afku ka soo uro ey sidoo kale subax iyo habeen walbe ku luqluqdaan biyaha liima dhanaanka taas oo la hubo inuu ka tago af urku.

Waxaa sidoo kale la mid ah cudurka dhuun xanuuka ama qof dhuunto ka baq baqdo iyadoo arintaasi wax weyn iska bedelyaan marka qofku uu cabbo biyaha liima isla markaasna uu ku luq luqdo. Waxaa jira dad badan oo subax iyo habeen walba ku rumeysada liimada dhanaanka si ey daryeelaan ilkahooda iyadoo waliba dadka ku nool galbeedku ey iibsan karaan Toothpaste uu ku jiro Liimo dhanaan.

Inaga aan soo wada koobi karin faaiidada ey leedhaay liima dhanaanku ayaa waxaa ku dareynaa laba cudrur somalida mararka qaar ku dhaca

Cudur Shuban biyoodka ama Cholera iyo Malaariyada:
Liima dhanaanka ayaa si fiican daawooyinka qaar u daweeya cudurka Shuban biyoodka oo somalida mararka qaar ey u dhintaan iyo waliba  maleeriyada. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in liima dhanaan ka sifeeyo baktiiriyada iyadoo waliba disha jeermiska qaar. Baaritaano dhowr ah oo lagu sameeyey wadamo ka mid afrika ayaa lagu ogaaday iney liima dhanaantu wax weyn ka tarto daaweynta shuban biyoodka iyo waliba malaariyada marka qofku uu cabbo biyaha laga miiraay liima dhanaanta.

Dhiig karka High Blood Pressure

Cabbida biyaha liimadu waxey wax weyn ka tartaa dhiig karka iyo wadna xanuunka waxaana dhakhtarka buugan qoray sheegay in sababtu tahay in laga helo biyaha liima dhanaanka maadooyin farabadan oo caafimaadka u fiican khaasaatn maadada afka qalaad lagu yiraahdo potassium. Potassium-ka ayaa la ogyahay in wax ka tarto dhiig karka, madax wareerka, yaaq yaaqsiga iyadoo waliba dejisa maskaxda kana hortagta stresska iyo waliba qalbi jabnaanka.

Si kastaba, Buugaan oo loogu magac daray Mucjisada Liima dhanaanka ayaa wax yar oo koooban ka soo qaadanay isagoo dhakhtarkuna sheegay in liima dhanaanta oo kamid ah khudaarta wadankeena ilaahey ku maneysay in ey wax weyn ka tari karto caafimaadka qofka binii aadamka ah. 



_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada