Alshabaab oo Dishay Askari Kenya ah oo u Xirnaa

Alshabaab oo Dishay Askari Kenya ah oo u Xirnaa


Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay dileen askari Kenyan ah oo ay maxbuus ahaan u haysteen. Alshabaab ayaa ku goodisay in ay sidoo kale dili doonaan shan maxbuus oo kale hadii Kenya aaney oofin dalabkooda.

Qoraal ka soo xabay Alshbaab ayaa lagu sheegay in kooxdu ay xalay saqdii dhexe dileen askariga Kenyan-ka ah, ka dib markii dowladda Kenya ay waqtigii loo qabtay ku sii dayn waysay maxaasiib sida la sheegay dalkeeda ugu xiran danbiyo la xiriira argagaxisanimo.
Alshabaab ayaa sheegtay in muddo 72 saac gudahood ah ay ku dili doonaan shan kale oo maxaabiis Kenyan ah oo ay hayaan hadii aan dalabkooda la aqbalin.

Kenya ayaa sheegtay in aaney la xaajoon doonin kooxda Alshabaab, ayna rumeysan yihiin in dad ka tirsan ciidankooda aaney u xirneyn Alshabaab.
Kooxda Alshabaab ayaa dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyadoo lagu eedeeyey inay weeraro isqarxin ah iyo afduub ay ka geysteen wadanka Kenya.

Kenya ayaa sanadkii la soo dhaafay ciidankeeda milaterigu waxa ay ka gudbeen xuduudda Soomaaliya iyagoo kooxda Alshabaab ku qaaday weeraro ay uga jawaabayeen duulaanka ay alshabaabku soo qaadeen dhulkeeda.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada