Maxkamada sare ee dalka Kenya oo diiday inay ka joojiso tartanka doorashada Uhuru Kenyatta

Maxkamada sare ee dalka Kenya oo diiday inay ka joojiso tartanka doorashada Uhuru Kenyatta


Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa diiday inay tartanka doorashada dalkaas ka dhici doonto bisha Maarso inay ka joojiso musharaxiinta u taagan tartanka doorashada ee dalkaas Uhuru Kenyatta, kaasoo loo heysto dacwad la xiriirta dhinaca bani'aadanimada.

Maxkamada ayaa sheegtay in aanay ka joojineyn Mr Kenyatta tartanka doorashada, iyadoo dhinac isaga riixday eedeymo ka yaalay, waxaana Uhuru Kenyatta iyo William Rutu ay ka mid yihiin afar ruux oo dacwad ka dhan ah bani'aadanimada ay ka taalo Maxkamada dambiyada ee Hague.

Uhur Kenyatta iyo Ruto ayaa horay ugu gacan seyray eedeymaha la xiriiray dhibaatadii ka dhalatay doorashadii rabshadaha dhalisay ee sanadkii 2007-dii ka dhacay dalka Kenya, kaasoo ay ku dhinteen kumanaan ruux.

Ra'iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga iyo Uhuru Kenyatta ayaa ah labada nin ee ugu cad cad tartanka doorashada dalka Kenya ee ka dhici doonta bisha Maarso ee soo socota.

Waxaa la filayaa in bisha April ay hortagaan Maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC si ay uga jawaabaan dacwadaha la xiriira dhinaca bani'aadanimada, waxaana la ogeyn saameynta ay ku yeelan karto ololahooda doorashada.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada