DAAWO MUUQAAL:-Fanaanka Ugu Shacbiyada iyo Taageeraha Badan Fanaaniinta Soomaalida oo Wacdaro Dhigay (LIVE SHOW VIDEO)

DAAWO MUUQAAL:-Fanaanka Ugu Shacbiyada iyo Taageeraha Badan Fanaaniinta Soomaalida oo Wacdaro Dhigay (LIVE SHOW VIDEO)

Fanaanka weyn ee Soomaaliyeed ee caanka ee Cabdulqaadir Macalin Cumar JUBA ayaa waxaa la sheegay inuu noqday fanaanka ugu shacbiyada iyo taageerayaasha badan islamarkjaana ay soo xaadiraan bandhig faneedyadiisa dadka ugu badan ee jecel ama xiiseeya heesaha Soomaaliga.

RIIX HALKAAN EE DAAWO MUUQALKA FANAANKA JUBBO

 

Cabdulqaadir Macalin Cumar JUBA ayaa waxaa la sheegay inay si aad iyo aad ah ay u xiiseeyaan dadka Soomaaliyeed heesihiisa iyo waliba showyada iyo bandhig faneedyada uu dhigaaya, iyadoona ay showyadiisa ay si aad iyo aad ah ay mar walba u soo buux dhaafiyaan taageerayaashiisa taas oo lagu sheegay inay dadka ugu badan ay soo xaadiraan showyada fanaankaas, Fanaanka Cabdulqaadir Jubba oo ah fanaan caalami ah oo ay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay mar walba xiiseeyaan heesihiisa ayaa waxaa kale oo uu fanaankaasi yahay mid u taagan mar waliba inuu qanciyo taageerayaashiisa asagoona inta badan soosaara mar walba heeso iyo albumo cusub oo ay ka daba dhacaan dadka Soomaaliyeed ee xiiseeya heesaha Soomaaliga taas oo keentay inuu fanaankaan yeesho shacbiyadaan iyo jaceylkaan faraha badan ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina iyadoo fanaankaas caanka ah ee Cabdulqaadir Macalin Cumar JUBA uu ka mid yahay fanaaniintii hore ee dalka Soomaaliyeed oo waqti hore oo dheer uu fanka ku soo jirey ayaa sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa fanaaniinta sida aadka ah loo jeclaa xilligii barisamaadka ee ka horeysay bur burka dalka Soomaaliya asagoona xilligaas ka mid ahaa jilayaasha ruwaayadaha ay sida xad dhaafka ah ay u jelaayeen dadka Soomaaliyeed goor walbana si aad iyo aad ah loo soo buuxin jirey ruwaadaha uu fanaankaasi wax ka jilaayo.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada