DAAWO Nin Soomaali ah oo ku guuleystay lacag dhan Boqol kun oo Doolar ka dib markii uu ciyaaray

DAAWO Nin Soomaali ah oo ku guuleystay lacag dhan Boqol kun oo Doolar ka dib markii uu ciyaaray


Nin Soomaali ah oo ku nool dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu ku guuleystay lacag dhan 100,000 (boqol kun oo doolar) oo doolar ka dib markii uu ciyaarayey lotereeyo ama baqtinasiib taas oo uuna ku guuleystay lacagtaas xad dhaafka ah ee tirada badan. 

Soomaaligaan oo lagu magacaabo Xasan Aadan oo ku nool magaalada Des Moines ee gobolka Iowa ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu ka qeyb qaatey oo uu dheelay lotareeyada ama baqtinasiibka magaaladiisa oo lagu magacaabo $100,000 Cash Game, iyadoona qiimaha halkii tigidh ee lootareeyadaasi uu yahay hal doolar, ninkaan oo sida uu sheegay aan waligiis horey u dheelin lootareeyadaas ayaa waxaa uu ka iibsaday tigidhkaas Lotareeyada kaalinta shidaalka lagu iibiyo ee lagu magacaabo Kum & Go oo ku taala magaalada uu degan yahay, ninkaan oo ay isugu aaday 5tii nambar ee lagu guuleysanaayey ayaa waxay arintaasi ay keentay inuu ninkaasi uu ku guuleystey qiimaha ugu badnaa ee lotareeyadaas oo ahaa 100,000 oo dolar. 

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaasi uu sheegay inuu ku faraxsan yahay lacagtaan badan ee soo gashay ayaa sidoo kale waxaa uu sheeegay inuu lacagtaas iyo farxadeedaba uu kula, damaashaadi doona xaaskiisa iyo 6 caruur ah oo uu dhalay, ninkaan ku noolaa wadanka Mareykanka ilaa iyo 13 sano ayaa markii uu ogaaday inuu ku guuleystay lacagtaas waxaa uu iska soo xaadiriyey xafiiska shirkada loteriga taas oo markii gudoonsiiyey jeeg ay ku qoran tahay lacagtaas uu ku guuleystey ninkaas.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada