M/weynaha iyo Hay'adaha Garsoorka oo Kulmay

M/weynaha iyo Hay'adaha Garsoorka oo Kulmay


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay garsoorayaal tiradoodu gaarayso lixdan oo ka kala socday hay’adaha garsoorka iyo maxkamadaha  dalka.

Madaxweynaha oo la hadlayayey garsoorayaasha ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono adeegga  garsoorka dalka, si uu u noqdo mid ay dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ku kalsoonaan karaan.

Xasan Sh. Maxamuud  ayaa ugu baaqay garsoorayaasha inay ka fogaadaan caddaalad  darro ama inay qolo gaar ah u shaqeeyaan, isagoo xusay madaxweynuhu in eedaha loo soo jeediyo adeegga garsoorka qaarkood ay wax ka jiraan.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada