Kismaayo ma ahan Qudus, Kenyana ma lahan Juballand!!

Kismaayo ma ahan Qudus, Kenyana ma lahan Juballand!!


Dhowr bilood oo qura ayaa ka soo wareegtay xilligii ay magaalada Kismaayo gacanta ugu dhacday xoogagga huwanta ah ee haatan ka arrimiya magaaladaasi, waxaana wax lala yaabo ah tan iyo markii ay soo gacan gashay magaaladaasi inay mar walba soo ifbaxayeen warar is khilaafsan oo ku aadan xaaladda Kismaayo, iyadoo dagaal oogayaasha qaar ka mid ah beelaha degan halkaasi ay ku doodayaan inay xaq u leeyihiin go’aan ka gaarista aayaha xarun goboleedkaasi J/hoose.
Shacabka magaalada Kismaayo oo dushooda la isku heysto ayaa la xaqiijiyay inay ku nool yihiin dhibaato la mid ah ama ka sii mug ballaaran tii ay qabeen xilligii ay magaaladaasi ka talinayeen maamulkii Al-Shabaab, waxaana hubanti ah in dadka reer Kismaayo ay iminka ku sugan yihiin xaalad hubaal la’aan ah oo isugu jirta dagaal beeleedyo, cabsi, barakac, nolol xumo, awood maroorsi u dhaxeeya isbaheysatadii la wareegtay magaaladaasi, maqalka hadallo iska soo horjeeda oo ku aadan taageeridda iyo diidmada maamulka Kismaayo iyo kan Jubbaland iyo arrimo kale, waxaana wax laga xumaado ah in qabqableyaasha iyo siyaasiyiinta ku hardamaya sidii mid walba isaga looga dambeyn lahaa magaaladaasi inaysan u muuqanin dhibaatooyinka ay qabaan xoogsatada iyo xalaal quudatada ku dhaqan xaafadaha iyo tuulooyinka hoos taga magaala xeebeedkaasi.
Magaalada Kismaayo oo ah caasimadda saddexaad ee Soomaaliya ayaa la tilmaamaa inay tahay magaalada labaad ee Soomaaliya ugu shidada badan, waxaana lagu macneeyaa sababaha ay magaaladaasi u degi la’dahay inay la xariirto beelaha faraha badan ee ku nool halkaasi, kuwaasi oo isugu jira qaar asal hore degenaa iyo kuwo duulaan ku tegay oo ku qeylinaya inay iyagu halkaasi ku xoog badan yihiin ama ay iska leeyihiin.
Laga soo bilaabo maalintii ay Shabaabka faaruqiyeen Kismaayo ilaa iyo haatan oo ka soo wareegtay muddo aad u kooban ayaa waxay magaaladaasi soo martay marxalado aan u hiillineynin nabadda iyo wadajirka dadka reer Kismaayo, waxayna bulshada halkaasi mar walba megen u ahaayeen welwel joogto ah iyo nolosha oo aad ugu sii adkaaneysa, iyagoo wakhti walba wadnaha farta kaga haya inay dhacaan dagaallo lagu riiqmo, iyadoo dagaaladii laga cabsi qabayna dhowr cisho kahor ay ka dhaceen gudaha magaaladaasi, kuwaasi oo weli aan heshiis rasmi ah laga gaarin.
Arrimaha layaabka badan ee la dhashay soo gelitaankii Kismaayo waxaa kow ka ahaa weedhii ku aadaneyd in maamul loo sameynayo gobolada Jubballand oo ay caasimad u noqoneyso Kismaayo, oraahdaasi oo keentay inay kala boodaan madaxda iyo beelihii Soomaaliyeed ee ku mataaneysnaa sidii degmadaasi looga xoreyn lahaa Shabaabkii heystay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Waxba kuma jabna oo ma xuma in maamul loo yagleelo Jubbaland oo Kismaayo ay xarun u noqoto, ha yeeshee waxaa isweydiin mudan maamul noocee ah ayaa laga dhisayaa halkaasi?, ma maamul ay Kenya wadato ayaa la dhoodhoobayaa?, mise mid ay beel gaar ah hor boodeyso ayaa la keenayaa?, mise mid loo dhan yahay ama inta badan ay raalli ka tahay ayaa la unkayaa?, su’aalahaan ayaa ah kuwo ay inta badan isweydiinayaan Soomaalida ku abtirsata gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Khilaafka ugu xooga badan ee ka taagan maamul u sameynta Jubbaland oo ay Kismaayo caasimad u noqoneyso ayaa waxa uu u dhaxeeyaa hoggaamiyeyaasha ku sugan Kismaayo iyo mas’uuliyiinta joogta Muqdisho, waxaana inta badan la isku hayaa marka aad arrimahaan u kuur gasho cida sameyneysa maamulka Jubbaland, qaabka uu noqonayo maamulkaasi, inta gobol ee uu ka koobnaanayo iyo qodobo kale, waxaana weli soconaya shirarka iska soo horjeeda ee labadaasi dhinac u dhaxeeya iyo eedaha ay qalabka warbaahinta isu marinayaan.
Hoggaamiyaha jabhadda Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah ninka ugu tunka weyn kooxda Kismaayo ayaa ku doodaya in maamulka Jubbaland uu yahay mid furan, cid walbana taladeeda ay ku leedahay, waxaana uu rumeysan yahay in maamul u sameynta Jubbaland ay sii xajineyso gacan ku heynta Kismaayo iyo sidii loo xoreyn lahaa gobolka J/dhexe iyo degmooyinka weli ka maqan gobolada J/hoose iyo Gedo, hase yeeshee Xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta arrintaasi ka biyo diidsan oo fadhigoodu uu yahay Muqdisho ayaa aaminsan inay nasiib darro tahay iyadoo aan goboladaasi la wada xoreyn in lagu degdego sameynta maamul ay yeeshaan degaanadaasi, waxayna kuu soo bandhigayaan inay ka soo horjeedaan in Axmed Madoobe uu kaligiis maamul ay Kenya dabada ka riixeyso uu kaga dhawaaqo dhulalkaasi.
Qaar ka mid ah 19-ka beelood ee ku dhaqan magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose iyo nawaaxigooda ayaan la dhacsaneyn sida ay arrimaha Kismaayo iyo kuwa Jubballand ay u socdaan, waxaana waxgarad ka mid ah beelaha Cowrmala, Wardaay, Giirgiir, Baajuun, Mushunguli, Biyamaal iyo kuwo kale ay sheegeen in Kismaayo iyo maamul u sameynta Jubbaland aynan kaligood sameyn karin beelaha Ogaadeen, Mareexaan, Majeerteen iyo jufooyin ka mid ah beel weynta Hawiye, waxayna soo jeediyeen inaan lagu degdegin arrimahaasi.
Haddii mindi mindi ku taagga ka jira arrimaha Kismaayo iyo Jubballand uu halkiisa ka sii socdo ayaa waxaa suuragal ah inay dadka reer Kismaayo u horseedo dagaal cusub oo faraha looga gubto, waxaana dad badan ay ku taliyeen in meel dhexe la isugu yimaado si looga baaqsado colaad cusub oo ka dhex dhalata dhinacyadii u soo halgamay dib u qabsashadii magaaladaasi, iyadoo sidaasina ay tahay ayaa waxaa hadana haboon in mudnaanteeda la siiyo cidii soo halgantay, balse aanay iyaduna isku dayin inay wax maroorsato ama dadka intiisa kale wax u meeriso.
Layaab ma leh in khilaaf aad u ballaaran uu ka taagan yahay arrimaha Kismaayo iyo Jubbaland, waxaase in leys xusuusiyo mudan in Kenya aanay lahayn Jubbaland, joogitaankeedana maalin ay ahaataba uu ka dhammaan doono degaanadaasi, waxaase siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku kala qeybsan soo gelitaanka Kenya ee gudaha Soomaaliya la gudboon inay is afgartaan oo iyaga dhexdooda ka heshiiyaan illeyn waa tii horay loo yiri “Isma hurtooy ha is halleyn”, dhinaca kalena waxaa mudan in maanka lagu hayo in Kismaayana aanay la mid ahayn magaalada Qudus, maxaa yeelay Qudus waxaa ku wada nool Muslimiin, Nasaaro iyo Yahuud, kuwaasi oo diin, dhalasho, dhaqan iyo dhulba isku heysta, hase yeeshee Kismaayo waxaa ku dhaqan dad isku af, isku diin, iskuna dhalasho ah, sidaasi daraadeed waxaa xaqiiqo ah in reer Kismaayo iyo reerahooda Jubballand ay heshiin karaan isla markaana ay xalisan karaan arrimahooda gaarka ah si ay uga mid noqdaan maamul goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa Qoray:- Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada