Daawo Sawirada Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo dhex galay shacabka Buurhakaba

Daawo Sawirada Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo dhex galay shacabka Buurhakaba


Iyadoo shalay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay la wareegeen degmada Buurhakaba ayaa ciidamada waxay bilaabeen howl galo ammaanka lagu xaqiijinayo, iyadoo dadka deegaanka ay soo dhoweeyeen ciidamada markii ay gudaha u galeen.
Wararka ka imaanaya Buurhakaba ayaa shalaya xaalada ay saakay tahay mid degan, iyadoo ciidamadana ay difaacyo ka sameysteen daafaha magaalada iyo buurta ay caanka ku tahay Buurhakaba.
Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa gacan qaadayay dadweynaha , iyagoo ka dalbaday inay ammaanka kala shaqeeyaan, waxaana dadweynuhu ay isugu soo baxeen banaanka si ay u daawadaan ciidamada.
Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Dhegabadan ayaa sheegay in qorshahooda yahay in inta ka hartay Baydhabo iyo Buurhakaba ay isku xiraan, isla markaana wax ka yar 30-KM ay u hartay.
Wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ah wado muhiim ah, waxaana ay halbowle u tahay ganacsiga gobolada koofur galbeed oo badeecadaha iyo shixnadaha ganacsi looga qaado Dekeda Muqdisho.


















_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada