Dadka Uu Jaceylka Dhibaateeyay Iyana Yaa U Maqan , Ma Ihi Wasiirka Jaceylka.

Dadka Uu Jaceylka Dhibaateeyay Iyana Yaa U Maqan , Ma Ihi Wasiirka Jaceylka.


Jaceylka waa nolol noloshanu jaceyl ayay ku tiirsan tahay , jaceylka waa koob biyo qaboow uu ku jiro cid walibana ay dooneyso in ay cabto ,hadaba iyadoo 14-February loo aqoonsaday maalinta jaceylka aduunka oo dadka is jecel ay xusayaan macaanka jaceylkooda ayaa dhanka kale iyana waxaa jira dad uu dhibaateyay jaceylka cudurana ku reebay toloow dadkaas iyana yaa u maqan.
Ma ihi danjiraha Niyad Wanaaga , ma ihi wasiirka arimaha dibada ee arimaha qoyska ,mana ihi xog hayaha guud ee qarumaha jaceylka sidaa oo ay tahay waxaan dadka dhibaatooyinka jaceylka la kulmay gaar ahaan Somalida ka codsan lahaa in la sameeyo maalin qaran oo dhibanaayasha jaceylka u gaar ah oo ay ku xusayaan xanuunada jaceylka iyo dhibaatooyinka uu u geystay .
Dadka uu jaceylka dhibaateeyay aad ayay u tira badan yihiin , cuduradiisana waa badan yihiin wax ayna xanuunadiisa ka bilaawdaan kansarka cabsida ,wel welka iyo sugitaanka badan..
Waxa uu u soo dhaadhacaa beerka ka dib halboolaha dhiiga waxaana u sabab ah muragada , waxana ugu daran maskax xinjiroow tasina waxa ay ka dhalataa marka irdaha jaceylka soo xirmaan , koleero ayuu sii noqdaa marka qiyaano jaceyl timaado.
Aqriste Ogaaw jaceylka waxa uu leeyahay caqli iyo naf waxaana ka baqayaa in cadaadis la saaro oo cudurada la beero lagu
talaalo , waxaase ka sii baqayaa in lagu dooxo qiila wa qaala(Waxa La Yiri)
Waxaa ka sii daran oo aan ugu baqayaa in uu waayo unugyada difaaca jirka taasi oo ka dhalaneysa in uu waayo daacadnimo iyo bikirnimadiisa.
Hadaba jaceylka waa noole dadka dhibaateysana waa in ay helaan maalin u gaar ah iyana , hadii dadku garan lahaayeen jaceylka macaanlkiisa dunida dagaalba kama dhaceen .
Aqriste hadaad dhibaato jaceyl la soo kulantay waa sidee dareenkaada haatan xilli  dadka i jecel sheegeen in ay xusteen maalinta jaceylka inkatoo fikrad ahaan lagu kala duwa yahay.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada