Sh. Nuur Baaruud oo ugu baaqay Maamulada Soomaalida inay sugaan ammaanka Culimada

Sh. Nuur Baaruud oo ugu baaqay Maamulada Soomaalida inay sugaan ammaanka Culimada


Afhayeenka Hey'adda Culimada Soomaliyed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in Culimada Soomaaliyed ugaarsi lagu hayo, isagoo ku baaqay in Maamulada Soomaalida inay ka shaqeeyaan sidii ammaanka Culimada u sugi lahaayeen.

Isagoo ka hadlayay Aaskii shalay loogu sameeyay Garowe Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo galabkii jimcihii lagu dhex dilay Masaajid ku yaala Garowe, ayaa tilmaamay in la joogo xilligii ay leynayeen Khawaarijta Culumaa'udiinka.

"Khawaarijta waxay leynayaan Culimada, Dadka Soomaaliyed waxay Culimada uga dhigan yihiin sida Xidigii oo kale, hadii sidan oo kale la sameeyo, tuugi wax dila la soo qabto 10-qof ha dilee waa laga hortagi karaa in qof dil ku bareero"ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Sheekha ayaa sheegay in madaxda dowladda ay isku wareejiyeen gawaari Tikniko ah, halka Culimadana ay ku fooraarto, waxaana uu ugu baaqay dhamaan maamulada Soomaalida inay adkeeyaan ammaanka Culimada oo uu xusay in loo soo dhigtay.

Dhinaca kale Culumaa'udiinka Soomaaliyed ayaa ku baaqay shirweyne ay isugu imaanayaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Maamulada Soomaalida, si Fatwo mideysan looga soo saaro dhibaatada lagu haayo shacabka iyo leynta Culimada.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada