Dowlada dalka iran wax kama jiraan ku tilmaantay war been abuur ah oo laga sameyay kadib markii la shegay inay alshabaab tageerto

Dowlada dalka iran wax kama jiraan ku tilmaantay war been abuur ah oo laga sameyay kadib markii la shegay inay alshabaab tageerto

Dowlada Iran ayaa beenisay eedeymo horay loogu soo jeediyay oo ahaa in hub ay ku taageerto Ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM,sida ay daabacday maanta wakaalada wararka ee Reuters.

Warbixin dhawaan ay daabacday Reuters ayaa lagu sheegay gudiga dabagalka cunuqabateynta hubka saaran Soomaaliya ay sheegeen in dowlada Iran ay hubeyso Alshabaab iyo dagaalyahano ku sugan Yemen.
“Eedeynta ah taageerada Iran ee Alshabaabka Soomaaliya waa mid aan macquul aheyn oo been abuur ah,loomana hayo wax saxiix ah,gabi ahaanba waa mid ay kasoo horjeedo dowlada Jamhuuriyada islaamiga ee Iran”sidaasi waxaa yiri safiirka Qaramada Midoobay ee Iran Maxamed Khazaee.

Safiirka ayaa golaha ammaanka u gudbiyay war qoraal ah oo uu kaga soo horjeedo eedeyn dhawaan kaga timid gudiga baaritaanada ee Qaramada Midoobay.

Wakaalada wararka Reuters oo soo xiganaysay diblumaasiyiin sarsare oo ka tirsan Golaha ammaanka ayaa maalintii Isniinta waxay daabacday in dagaalyahano ku sugan dhulka Yemen ay taageero ka helaan Iran,kadibna ay ku taageeraan Ururka Alshabaab ee Soomaaliya.

Safiirka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhamaan eedeymaha loosoo jeedinayo Jamhuuriyada islaamiga ee Iran ay yihiin kuw sal iyo raad toona aan la heyn.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada