Fanaanada Sagal Arts oo ka mid noqtay Fanaaniinta Kenya loogu jacayl yahay

Fanaanada Sagal Arts oo ka mid noqtay Fanaaniinta Kenya loogu jacayl yahay


Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay bur burtay Xukuumadii dhaxe ee Soomaaliya sanadii 1991dii waxa soo baxayay Isbedalo kala duwan oo dhan waliba sameeyay hayeeshee Samayntaa waxay si gooniya u taabatay Fanka Soomaaliyeed


Fanka Soomaaliyeed oo ahaa mid fanaaniin ka tira yar fanaaniinta hada jira xiliguu Xukuumadii dhaxe ee Soomaliya ku jiray ayaa iminka noqday tusbax afka laga furay ,waxaana soo baxay Fanaaniin kala duwan oo dad badan aaminsan yihiin in ay ka taya wanaagsan yihiin Fanaaniintii hore marka la is bar bar dhigo .


Inkastoo Fanaaniinta iskugu jiraan kuwa da,a yar iyo kuwa dhax dhaxaad ah, hadana waxaa jira koox kooxa ay Fanaaniinta ku midaysan yihiin, waxa ayna badanaa ku nool yihiin meel ka baxsan Dalka Soomaaliya ,oo ay u joogaan hab magangalyo ah maadama amniga Dalka Faraha ka baxay.


Fanaanada Sagal Arts waxa ay ka mid tahay Fanaaniinta dhawaan soo caan baxay, waxa ayna leedahay Albuna kala duwan oo ay soo sartay, hayeeshee waxa ay Fanaanada oo ilaah ugu deeqay cod macaani mutaysatay Tageerayaal badanoo ay ku yeelato Dalka Kenya .


Sagal ayaa Dalka Kenya gaar ahaa Magaalada Narobi oo ay ku sugan tahay ka noqtay Caan waxa ayna noqtay Fanaanada heesaheeda loogu jacayl yahay, iyadoo leh albuna kala duwan oo ay iyadu soo qaaday iyada oo gacan ka helaysa Abwaaniin ay isku xirfad yihiin .


Fanaanda Sagal Arts oo ka mid ah Fanaaniinta Dhawaan soo baxay ayaa ka mid ah Fanaaniinta dalka Dibadiisa ku nool, waxa ayna Sagal muda joogtay Dalka Kenya halkaa oo ay fanka kaga soo biirtay sida dad xog ogaal ah Filimsheeg u xaqiijiyeen .


Sagal Arts waxa ay ku jirtaa Koox iyada magaceeda ku howlgasho oo ay iskula jiraan Fanaaniin kala duwan oo ay ka mid tahay Fanaanada da,da yare ee codka dahabiga leh Qaali ladan, iyo Fanaaniin kale kuwaa oo soo saray Albuna kala duwan .


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada